WAJAALE NEWS

War Deg-Dega:Baarlamaanka Somaliya Oo Hada Doortay Gudoomiye Cusub Iyo Ninka Uu Yahay

Muqdisho(Wajaalenews) Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha baarlamanka cusub ee Soomaaliya kadib doorasho maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Jawaari ayaa waxa uu ka adkaaday saddex musharax oo kale oo xilkan kula loolamayey kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig, xildhibaan Cabdiftaaax Ibraahim Geeseey iyo xildhibaan Idirs Cabdi Dhakhtar.

Guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka Cismaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in 259 xildhibaan ay codeysay, islamarkaana laba ka mid ah codadkaasi ay xumaadeen.

257-ka cod ee kale ayaa Jawaari waxa uu helay 141 cod, halka xildhibaan Xiddig oo kaalinta labaad galay uu helay 97 cod. Xildhibaan Cabdifataax Geeseey ayaa helay 17 cod, Idiris Cabdi
Dhakhtar waxa uu helay laba cod kaliya, sida uu sheegay boqore.

Jawaari ayaa ahaa guddoomiyaha baarlamanka hore ee Soomaaliya ee intii u dhaxeysay 2012 illaa 2016.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale beri qaban doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad, oo musharaxiin aad u tiro badan ay ku loolamayaan.

 

 

Exit mobile version