WAJAALE NEWS

Canada Oo Soo Bandhigtay Sawirrada Dagaalyahan Dhalashada Dalkeeda Haysta Oo Ku Dhintay Dagaalada Somalia Ka Socda.

Ottowa:(Wajaalenews);Xukuumadda waddanka Canada, ayaa baahisay Sawirrada Nin soomaali ah oo haysta Dhalashada dalkeeda oo kamid ahaa Koox weerartay Dhismaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sawirrada ninkan ayaa waxa si gaar ah u soo bandhigay Sirdoonka Canada, waxana ay sheegeen inay ka warqabeen dhaqdhaqaaqyada uu Gudaha Somalia ka wada Muwaadin Soomaaliyeed oo haystay Dhalashada waddanka Canada.

Muwaadinkani Somali-Canadian-ka ahaa ee ka dhexmuuqday Weerarka ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Mahad Cali Dhoore oo haystay dhalashada Canada.

Sidoo kale, Wargeyska National Post ee kasoo baxa dalka Canada ayaa qoray in Mahad oo 25 sanno jir ah in dalka Canada la geeyay Isagoo 9 jir ah waxaana uu kasoo tagay dalkaasi sanadkii 2009-kii.

Xogtan ayaa sheegaysa in Mahad Dhoore oo ka mid ahaa ardayda jaamacadda York ee dalka Canada waxaana uu xilligii uu kasoo baxayay dalka Canada uu ehelkiisa u sheegay inuu fasax ku tagayo dalka Kenya kadibna uu kasoo gudbay xadka sidaasna uu Al-Shabab ugu biiray.

Cod uu duubay Mahad Dhoore ka hor inta aanu weerarka dhicin ayaa waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan la hadlo dadka walaalahey ah ee reer galbeedka ku nool oo aan u sheego inaan u dagaalamayaan Illaahay dartiis kaso taga dhal dhalaalka aad arkaysaan”

Si kastaba ha ahaate, weerarka Maxkamada ayaa waxa uu xusuus badan ku beeray Umadda Soomaaliyeed oo iyagu xiligaasi ay dhagafaar ku noqotay weerarka, waxa uuna weerarkaasi galaaftay nolosha Sodomeeyo ruux oo rayid u badnaa tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen.

 

 

Exit mobile version