WAJAALE NEWS

Madaxwayne Silaanyo Oo Degrayto Ku Magacaabay Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Iyo Masuulka Loo Magcaabay

Hargeysa(Wajaalenews)January.18,2017-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4495/012017 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:             Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:             Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:    In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:    Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;Markuu Ku Qancay:      In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

Exit mobile version