WAJAALE NEWS

Maxay Daaran tahay Wareegtada Amarada Culus Xambaarsan Ee Madaxwayne Siiraanyo Ku Hawl Galiyay Hayadihii La Dagaalanka Musuq-Maasuqa Ee Uu Hore Hawl Gabka Uga Dhigay ? FAALO

Maxay kaga duwanaan kartaa Digreetada Amarada  Xambaarsan Ee Madaxwayne Siiraanyo Ku Hawl Galiyay Hayadii Hanti Dhawrka Ee  Uu Hore Gacantiisa Ugu Baabiiyay ? Mise waa  Heesta Maaweelada Ah Ee Tidhaa ( Shinbirayohow Heesa Hees Wanaagsan Qaada?? )

HARGAYSA(W,N) Maah-maah Soomaaliyeed ayaa tidhaa ( Aduunyada Ninkaan Dhimanin Tu Walba Wuu Arki ) Guud ahaan Bulshada S/land waxaa Dhabano haysi ku noqday Digreetada iyo Amarada Culus Ee Madaxwayne Siiraanyo Ku Hawl Galiyay Hayadihii La Dagaalanka Musuq-maasuqa u Qaabilsanaa Qaranka S/land Ee Madaxwayne Siiraanyo Hore Uga Dhigay mid Hawl Gaba iyadoo Dadka arimaha Siyaasada u kuur gala ay  si wayn ugu Falanqaynayaan goobaha lagu kulmo Sabobaha keenay iyadoo Muddo Kordhintii Labaad ee loo sameeyay Xukuumada Madaxwayne uga hadhsan yihiin Muddo Shann Bilood ah waxaanay iswaadiinayaan Maxay daaran tahay Digreetada Madaxwayne Siiraanyo ? Ma noqon doontaase Digreetada iyo Amarada culus ee Madaxwayne Siiraanyo mid Dhaqan gasha oo midho dhal noqota ? Mise waxay la mid Noqon doontaa Wareegtooyinkii hore ee Maalintuu Madaxwayne Siiraanyo  Afkiisa ka soo baxday ugu danbaysay hadal qaadkooda iyo Dhaqan galkoodda ?  Mise waxay noqon doontaa mid Xeeladaysan oo galaafan doonta Wasiiro maanta Awood wayn ku leh Qasriga Madaxwaynaha ? Mise waxay noqon doontaa Wareegto Xeeladaysan oo Xisaab hor leh ku soo fiqi doonta Wasiiradii Xillkooda hore iskaga Casiley ee Xukuumada Siiraanyo oo Muddo Shann Sanno ah Mansabkeeda ku fadhiyaan  Dhaliilaha badan Maanta u soo jeediya ? iyadoo Faalada,Saadaasha iyo Fikradaha kala duwan ee Shacabka iyo Siyaasiyiintu isku raacsan yihiin in ayna midho dhall noqon doonin ball aan dhawro waayaha Bilaha iyo Maalmaha soo socda  .

Dhanka kale Maah-maah Soomaaliyeed ayaa tidhaa ( Nin Daad Qaaday Xunbo Cuskay ) oo tilmaamaysa in Madaxwayne Siiraanyo wax ka Xoog Rooni ku dhacay ama daalkii gabawgu haleelay oo uu Waqtiga helay Xaqiiqada dhabta ah ee ah in aanay gabi ahaanba Hayada Hanti Dhawrku Shaqaynin iyadoo Bulshada S/land Madaxwayne Siiraanyo uga barteen in Wareegto kasta oo ka soo baxda aanay Dhaqan galin oo dhamaantood noqdeen Hal Bacaad Lagu Lisay kuna dhamaadaan Gudiyo loo saaro iyadoo Wareegtada Maantuna ay noqon doonto mid aan  midho dhal noqon doonin oo sidii looga bartay Madaxwayne Siiraanyo in Amarada Culus iyo Wareegtooyinkiisa uu soo saaro Bulshada S/land Rajo ku qabin in ay noqdaan kuwo waxka fulaan .

Mar Sadexaad hadii aan dull joogsano Maah-maahda Soomaaliyeed ee tidhaa ( Mayd Waxaa U Danbeeyay Kaa Laa Sii Sido ) waxaa hubaala in Digreetada iyo Amarada culus Maanta ee Madaxwayne Siiraanyo soo saaray Dadka Arimaha Siyaasada u kuur galaa ku macneeyeen in ay tahay Maaweeladii Caruurta oo Maalmaha soo socda la garan doono ujeedooyinka Dhabta ah ee ka danbeeya .

Mar kale Dad badan oo Xeel Dheerayaal ah ayaa ku macneeyay Wareegtada iyo Amarada Culus ee Madaxwayne Siiraanyo Hayadii Hanti Dhawrku ku hawl galiyay Waqti Muddo kordhintii Labaad ee loo sameeyay Madaxwayne Siiraanyo ay ka hadhsan tahay Shann Bilood oo kaliya in ay tahay mid galaafan doonta oo Malagii Xill ka qaadista ku noqon doonto Wasiirada ugu Tunka wayn sida Golaha Wasiiradda  .

 

Sidoo kale waxaa jira Fikrado ka Aragti duwan Fikradaa hore oo u  Arka in Digreetada Madaxwayne Siiraanyo ay tahay Arin Xeeladaysan oo la Qorsheeyay in Xisaab iyo Baadhis Siyaasadaysan oo loogu talo galay Wasiiradii iscasiley Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ay kula kacdo Raga maanta Xisbiga Mucaaradka Wadani ugu kulul  loo maleegi doono iyadoo looga dan leeyahay in lagu Xininyo Siibo Wasiiradii hore Xillalka iska casiley ee Maalmihii  u danbeeyay si wayn u dhaliilayay Xadhig iyo Jidh Dill ay Sheegeen in Ciidanka Boolisku kula kaceen oo loo gaystay Masuuliyiintii Garabka Dhalinyarada Xisbiga Wadani iyo Siyaasiyiin Hanjabaad iyo Cagu Juglayn ay Sheegeen in lagula kacay .

Ugu danbayn waxaa iswaydiin mudan Ma Lagu Tilmaami Karaa Digreetada Madaxwayne Siiraanyo  Hayadii  Hanti Dhawrka uu hore uga dhigay Hawl gabka ku hawl galiyay ay la mid tahay Heesta Maaweelada ah ee tidhaa ( Shinbirayohow Heesa Hees Wanaagsan Qaada ) mise waxay noqon doontaa Talaabo Alle Waafajiyay Madaxwayne Siiraanyo Khaatumadiisa Maamul Wanaaga ku soo gunaanadi doono ball aan dhawro waayaha .

 

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version