GABILEY(W,N) Wasiirkii hore Ee wasaarada Warshadaha Somaliland ee xukuumada Axmed Siilaanyo Hore usoo noqday maayarka magaalada gabiley shucayb maxamed muuse ayaa sameeyay arin soo jiidatay idhaha shacabka Somaliland kadib marki uu dib unoqday noloshii beer qodotada ee bulshada gobolka gabiley ay caanka ku ahayd taasi oo dhanka kale dhiiri galin unoqotay beeralayda gobolka kadib markii ay arkeen masuul xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadaha Somaliland oo xiligan qodonaya beertiisi.
Sidoo kale ex wasiir shucayb maxamed muuse ayaa xiligan soo saaray raashin tiro badan oo kasoo go,ay beertiisa halka dhanka kale uu bilaabay dhaqashada xoolaha gaar ahaan geela.
Dhanka kale qaarkamida beeralayda gobolka ayaa soo dhaweeyay arinta uu sameeyay ex wasiir shucayb,
HALKAN KADAAWO MUUQAALKA WARKAN IYO EX WASIIRKA OO GACANTIISA KU TUMAYA DALAGII USOO GO,AY SANADKAN;