WAJAALE NEWS

Daawo: Seddex Qof oo Somaali ah oo lagu Dhaawacay weerar toogasho oo ka dhacay Masjid ku yaal Magaalada Zurich.

http://www.hiiraan.com/images/2016/Dec/Zurikh (WAJAALENEWS):-Seddex Qof oo Somali ah ayaa lagu dhaawacay Masjid ay dad badani ku tukanayeen oo ku yaala magaalada Zurikh ee dalka Switzerland ka dib markii nin hubaysani uu rasaas ood-da kaga qaaday dadkii halkaa ku suganaa oo ay Somalidu ku jiraan.

Gawdhida gar-gaarka deg- deg-ga ah iyo booliska magaalada ayaa soo gaadhay goobta ay rasaastani ka dhacday oo ku dhow jid si weyn loo adeegsado ,iyadoo isla markiiba la bilaabay howl-galo lagu baadi goobayo ruuxa gaystay falkan toogashada ah.

“Qof aan la aqoonsan ayaa dhowr rasaas riday ka dib-na ka baxsday dhismaha  “ ayuu yiri afhayeenka booliska Marco Bisa  ,kaasi oo warbaahinta kula hadlay masjidka agtiisa ,,iyadoo booliska ay isku geedeemaan goobta.

https://youtu.be/0mxJKMgb8QY

“Toogashadu waxa ay ka dhacday gudaha qol lagu tukado oo ay ku sugnaayeen dhowr qof , waxaana dhaawac halis ahi uu gaadhay laba kamid ah dadkii halkaa ku sugnaa “ ayuu mar kale yidhi  Bisa oo tilmaamay in dadka cisbitaalka la geeyay ay da’doodu kal tahay 30, 35 iyo 36 sano.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Hamse Jirde Ahmed

Exit mobile version