WAJAALE NEWS

Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada jsl Oo kulan Sabootin ah Uqabtay Arday Reer Somaliland oo Deeq Waxbarasho ka Helay Dalka Itoobiya

HARGAYSA(W,N)-Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL  ayaa kulan dardaaran iyo sagootin ah u qabatay 80- arday oo deeq Waxbarasho ka helay dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia.

Kulan kan oo ka dhacay hoolka Wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Prof.Ismaaciil Ducaale Yuusuf, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji, Agaasime waaxeedada wasaaradda waxbarashada, waalidiinta iyo ardayda kulanka loo qabtay.

Aamiin Maxamed Axmed , Agaasimaha Waaxda Farsamada gacanta WWB&S iyo Ubax Axmed Cabdilaah ayaa ka war biyiyay maraaxilkii ay soo mareen deeqahan waxbarasho ee maanta ardayda loo diraayo iyo dadaalka ay wasaaradda waxbarashada samaysay mudadii ay socotay kala xulistay deeqaha waxbarasho.

Waalidka iyo ardayda deeqda waxbarasho ka helay dalka Ethopia  ayaa u mahadceliyay Wasaaradda waxbarashada iyo guud ahaan xukuumada.

Wasiirka Waasaradda Waxbarashada , barbaarinta iyo sayniska JSL Prof.Ismaaciil Ducaale Yuusuf iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Md: Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji ayaa la sii dardaarmay ardayda deeqda Waxbarasho ugu baxaya dalka Ethiopia

Exit mobile version