Hargaysa(wajaalenews)Muj.Cali Sandheere Iyo 8 muwaadin oo kale ayaa sifo sharci daro ah mudo laba todobaad ah ugu xidhan Saldhiga Xaafada Mcalin Haaruun ee magaalada Hargaysa,waxaana muwaadinintan laga soo qabtay deegaanada Dooxa Biji iyo Iyo Damalada oo hoos yimaada degmada Agabar ee gobolka Gabilay. muwaadinintan oo cadaalad daro tirsanaya walina aan la horgayn wax maxkamada ayaa xadhigooga ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan labada masuul ee kala ah wasiiru dawlaha aminiga ee wasaarada Arimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye iyo Wasiirkii hore ee arimha gudaha Cumar Boobe.
“Dadkani uma xidhna dawlada iyo wax kiis ah toona ee waxay u xidhan yihiin wasiiru dawlaha amniga ee wasaarada arimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye iyo ninka la yidhaa cumar boobe oo labaduba dano shaqsiyadeed ka leh deegaankan,mana ay jirin wax danbui ah oo ay faraha kula jireen xiliga la soo qabtay dadkan, waana dad muwaadiniin ah oo u soo halgamay dalka oo uu ka mid yahay ninka la yidhaa Cali Sandheere iyo 8 sideed muwaadin oo kale wax loo haysto oo ay nimankaasi galeen oo aanu garananaa ma jiro, waxaana aanu ka codsananaa xukuumadu in ay labadaa masuul ka qabato deegaankan oo labaduba kala qaybin ka wada bulshada dhexdeeda, dadkan xidhana waa in xoriyadooda loo soo celiyo hadii kiis lagu haystana mar hore ayaa maxkamad la hor keeni lahaa ayuu hadallkiisa ku soo xidhay mid ka mid ah madax dhaqameedka degaankaas oo khadka telifoonka ugu waramayay shabakadan wararka ee Wajaalenews.
Magacyada Dadka xidhan:
1-Muj.Calij Axmed C/laahi (cali sandheere)
2-Axmed XirsiBade
3-Maxamed Muuse
4-Ibraahm Dheere
5-C/naasir Max,ud
Iyo sadex kale oo aanay noo suuro galin in aanu helno magacyadooda
Dhinaca kale wasiiru dawlaha amniga ee wasaarada arimaha gudaha oo aanu wax ka waydiinay ayaa isaguna dhiniciisa noo xaqiijiyay in ay dadkani u xidhan yihiin inay isku dayeen in meel loogu talo galay dhul daaqsimeed in ay u badalaan dhul beero ah.