Dhulgariirkan ayaa lasheegay inuu burbur soo gaadhsiiyay qalab qaboojiyayaal ah oo dhexyaallay Warshadda Nuclear ka Japan.
Dhulgariirkan oo cabbirkiisu gaadhayay 7.4 Magnitude ayaa lasheegay inuu sababay sidoo kale Sunami ka kacday badda , oo ku koobnayd intii uu dhulgariirku saameeyey.
Isla goobtan ayay ahayd markii 2011 ay ka kacday sunami khasaare badan geysatay , balse wararku waxay sheegayaa, inaanay jirin illaa iyo hadda wax dhimasha ah oo lasheegay inuu sababay dhulgariirkani.
Dhulgariirkan ayaa laga dareemay goobo badan oo kamida dalka sida Tokyo, dadka kafaalloda cilmiga culuumta dhulka ayaa sheegay dhulgariirkani inuu aad ugu xoog badnaa o kaliya xeebta Fukushima oo ah meesha uu kadhacay.
Sunami dan kacday ayaa wararku sheegayaan inay gaadhaysay 1.4 Meters (4.5 feet), waxaana uu soo gaadhay dhulal ay kamid yihiin Sendie , oo qiyaastii 70km u jirta xeebta Fukushima.
Hargeisa office
wajaalenews.net