WAJAALE NEWS

Dawlada Jabuuti Oo la Sheegay in Ay Aragti Mida ka Qaadatay Asxaabta Somaliland Iyo Duruufaha Bedelay Qorshe Hore Loogu Tuhunsanaa!!,

JABUUTI(W,N) Dawlada aynu jaarka nahay ee jabuuti oo ah dawlad  shacabkeegu saamayn balaadhan ku leeyahay gudaha jamhuuriyada somaliland xidhiidho badana ay wadaagaa maadaamada ay labada shacaba yihiin dad walaalo ah oo labada dhinacba kala dagan marwalabana xaalada ay ku sugan tahay amase ka jirta siwayn looga dareemo somaliland sidaasi oo kalana jamhuuriyada jabouti looga dareemo.

hadaba waxaa mudooyinkan danbe soo if baxayay ka sokow dhinaca isu socodka ganacsi ee labada dhinac mid siyaasdeed iyada oo ay soo kordhasay marba marka ka danbaysa tuhun ah in ay dawlada jabuuti si toos ah u taageerto qaar ka mid ah axsaabta siyaasada khaasatan wax sigaar ah farta loogu fiiqaa  in ay taageero gaara siiso xisbi xaakimka kulmiye oo bilowgii ay qayb ku lahayd kala tageerida murashixiintii isku beesha ahaa ee ku loolamayay gudaha xisbiga kulmiye, kaasi oo khilaaf culus iyo muran kala irdheeyay siyaasiyiinta   beesha sacad muse ka dib lagu cumaamaday murashaxa xiligan ee kulmiye Muuse Biixi Cabdi ka dib markii uu gurmad culus ka  helay ganacsato reer jabuuti ah oo iyagu sheegay in xataa xukuumada madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele la socdaan isla murashaxan. Dhanka kale waxaa mudooyinkii u danbaysay wararka aanu ka helayno Dad k dhow dhow  dawlada jabuuti tibaaxeen  in aanay marnaba jirin meel ay ku taageersan tahay xisbiga kulmiye iyagoo xogahani Daaha kafaydeen in jabuuti aanay marnaba kala raacaynin xisbiyada somaliland dhexna ay u tahay lana shaqayn doonto hadba ka guulaysta ee ay doortaan shacabka somailand oo ay iyaga u taalo kala doorashada rasmiga ah, dawlad ahaana ay ku ixtiraamayaan.

Sidoo kale dawlada jabuuti ayaa lasheegay in ay qaadatay qorshe ka duwan kii hore keentayna in ay xiligan shaaciso halka ay ka taagan tahay xaalada siyaasadeed iyo loolanka asxaabta Somaliland, arinta ayaa sida lasheegay dabada ku haysa saamayna ay ku yeelatay markii xukuumada kulmiye heshiis la gashay shirkad lagu wareejinayay dekeda berbera iyadoo shirakadan  ay hore khilaaf ugu kala tageen dawlada jabuuti waxaanay xuseen I uu shirkada  dekeda ee magaceeda loo soo gaabiyo DPW  gadhwadeen ka yahay mid kamida ganacsatada ay dawlada jabuuti ku eedaysay in uu yahay cadawga shacabka jabuuti waa C/raxmaan Boore .

Si kastaba ha ahaatee go,aankan jabuuti  ay qaadatay ayaa saamayn taban ku yeelan doonta xisbul xaakimka Kulmiye oo taagero wayn oo dhaqaale ka heli jiray ganacsatada jabuuti, halka ay dhinaca kale abuuri karto in dawlada jabuuti qaado qorshayaal lagaga hortagayo cidkata oo ay u aragto cadowgeeda xisbi ama xukumada hadba ay ka dhex qarkaan,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA SOMALILAND

 

Exit mobile version