WAJAALE NEWS

Xulka Gobolka Gabilay Oo 2-1 Ku Caraabiyay Xulka Gobolka Daad Madheedh

Hargaysa(wajaalenews)xulka gobolka Gabilay iyo xulka gobolka Daadmadheedh ayaa maanta dheelay ciyaar aad u qurux badan oo soo jiidatay daawadayaasha kala duwan ee kus ugan garoonka iyo kuwa sida tooska ah ugala socda warbaahinta,waxaana ay kukala calaf qaadeen labadan kooxood 2 gool oo ay keensatay xulka gobolka Gabilay iyo hal goo loo xulka gobolka Daadmadheedh ah, waxaanay sidaasi guushu ku raacday xulka gobolka Gabilay.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag oo inta badan aad looga xiisanayay magaalooyinka waawayn ee Somaliland ayaa taageerayaasha labadan kooxood saadaalinteeda midba mid ka kale ugu baanayay guul

Ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa galay maalintii sadexaad iyada oo si habsami ah uga socota garoonka wayn ee Hargaysa Stadium,iyada oo hadal hayntooda si wayn looga dareemayo Caasimada Hargaysa.

Waxaana maalinta bari ah ciyaari doona xulka gobolka Sanaag iyo xulka Gobolka Xaysimo

Exit mobile version