WAJAALE NEWS

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo Kulan La Yeeshay Odayaasha, Waxgaradka iyo Shacabka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ee Ku Dhaqan Nairobi

Nairobi (WJN) – Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar oo uu weheliyo Madaxa Arimaha Siyaasada xisbiga Dimuqraadiga Dawlad Deegaanka Soomaalida, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan afur ah kula yeeshay odayaasha iyo waxgaradaka iyo shacabka dawlad deegaanka Soomaalida ee ku dhaqan Kenya.

kulankan oo ahaa mid ay isku xog waraysanyeen Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida iyo odayaasha ka soo jeeda deegaakaasi, ayaa waxaa kasoo qayb galay Aqoonyahanka,Dhalinyarada iyo Ganacsatada dawlad deegaanka ee magaalada Nairobi.

Kulankan ayaa wuxuu ahaa fursad ay heleen shacabka deegaanka kasoo jeedaa si ay waxay cabasho iyo talo hayaan ugula wadaagaan Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar.

Madaxweynaha ayaa la filayaa socdaalkiisa kadib in uu maalmahan fooda inagu soo haya dib ugu soo laabto dalka iyadoo la filayo in uu munaasabada ciida khudbad ka jeediyo salaada ciida kadib.

 

Wajaalenews Desk

Jigjiga Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version