WAJAALE NEWS

Xisbiga Waddani oo Xukuumada Ku Eedeeyay In Ay Qorshaynayso Mudo Kordhin Ay U Samaynayso Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka

Hargeysa (WJN)- Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi  oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay inay qorshaynayso sidii mudo kordhin labo sano ah loogu samayn laha Goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka ee mudo xileedkoodu dhamaaday, Iyadoon aan ilaa hada wax xala laga gaadhin ayuu yidhi ismaan dhaafka u dhexeeya Xisbiyada mucaaridka iyo Xukuumada.

Xoghaye Khadar ayaa Waxaa kale oo uu sheegay in gudidii Madaxweyne ku xigeenada ahaa ee soo maray Somaliland ee iyagu dhex dhexaadinayay asxaabta dalka ay maalmihii u danbeeysay wado shaqayn xoogani ay ka dhaxaysay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale Waxaa uu carabka ku adkeeyay Xoghayaha Xisbiga Waddani in aanu xisbigoodu marnaba ka tanaasuli doonin mowqifkoodii hore ee ku aadanaa in la kala diro gudida Koomiishanka Doorashooyinka

Dhinaca kale waxa uu ka digay in habdhaqanka Xukuumada Madaxweyne Biixi ee hada ay ku dhaqmayso uu sii socdo ay ka dhalan karto ayuu yidhi kacdoon shacab.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version