HARGAYSA(W,N)- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa tacsi diray boqolaal shacabka oo maanta ku geeriyooday qarax ka dhacay magaalada muqdisho isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay masiibada ku habsatay shacabka reer muqdisho ee aan waxba galab kuwaasi oo qarax la ehel noqday
Abwaan weedhsame ayaa qoraal kooban oo uu dhacdada muqdiso kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxu udhigaa sidan;
GOBEEY LIIC OO HA JABIN;
“Muqdisho Masiibada ku habsatay waan ka tiiraanyeysanahay, waanan ka tacsiyeynayaa dhimashada ku timi dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. Ilaahay naxariistiisii janno ha siiyo isagaa qaadiru raxmaanee.
Dhiigyo-cabyada xalaashaday xasuuqa maatada, xilli ay noqotaba waa laga guulaysan doonaa.
Samirkiina Weynuhu
Idin seejin maayoo
Subax ay ahaataba
Idinkaa sarrayniye
Rabbi ha idin saacido.
Abwaan xasan daahir Ismaacii Weedhsame .