WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah: Maayarkii Magaalada Boorama oo Xilkii Laga Qaaday

Boorama (WJN)- Maayarkii Magaalada Boorama ayaa saaka ay xildhibaanada golaha deegaanka Boorama ka qaadeen xilkii maayarnimo.

Fadhigan saaka xilka lagaga qaaday maayarka waxaa soo xaadiray labaatan  xildhibaan, waxaana maqnaa xildhibaan keliya. Waxaa sidoo kale fadhiyay  Wasiir Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye iyo badhasaabka Gobolka Awdal.

Waxaana  jagada maayarnimada ku tartamay maayarkii hore ee Boorama Saleebaan Xasan Xadi iyo ku xigeenkiisii hore Maxamed Muxumed Faarax (Dheerayste), waxaana ku guulaystay maayarka cusub ee Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo Hal  cod kaga badiyay Xildhibaan Dheerayste.

Xil ka qaadista maayarka ayaa timid kadib markii Hanti dhawraha qaranka Somaliland uu baadhitaan uu ku sameeyay xafiiska maayarka Boorama, taasi oo wararku sheegeen in lagu helay hantilunsi.

 

Wixii Warara Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Shabakada Wararka Wajaalenews.net

 

Exit mobile version