WAJAALE NEWS

Madax Dhaqameed, Xildhibaano , Haween, Iyo Waxgarad Miisaan Culus ku leh G/gabiley & Xisbiga Kulmiye oo Isu Diyaariyay inay ku Biiraan Xaflada Xisbiga Wadani U Qabanayo Garabka Isbahaysiga!!

Shacabka gobolka gabiley oo dareeno kala duwan ka bixiyay ku biiritaanka garabka isbahaysiga Iyo dhaqdhaqaayo arimaasi ka xidhiidha oo gabiley laga dareemayo.

“Waxaanu Diyaar unahay in aanu ka qaybgalno   Waanan Jecelahay In Aan Goob Joog U Ahaado Munaasibada Loogu Quus Goynayo Muuse Biixi Iyo Xisbiga Kulmiye”. midkamida haweenka ku dhaqan gobolka gabiley

GABILEY(W.N) Bulshada G/Gabiley oo aragtiyo kala duwan ka bixiyay Sida Ay U Arkaan Ku Biiritaanka Isbahaysiga dimuqraadidoonka Kulmiye  Xisbiga mucaaridka ha ee  Wadani

 

Mudo Afar Maalmooda ayaa laga joogaa maalintii lagu dhawaaqay heshiisyadii bud dhiga u ahaa Xisbiga Wadani iyo Garabkii Isbahaysiga Kulmiye Maalintaas ka dib waxaa  Magaalada Gabiley ka bilaabmay dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed oo si wayn looga hadal hayo goobaha lagu kulmo ee Shaaha iyo Bunka laga cabo iyadoo Dhalinyaro iyo Duqayba laga doodayo Cududa Siyaasiyiinta ku biiray Xisbiga  Wadani  iyadoo Dadka arimaha Siyaasada sida joogtada ah ula socdaa ay falanqaynayaan Qaab dhismeedka Xisbiga Wadani oo wax laga badalay iyo  saamaynta balaadhan ee ay ku yeelanayso Murashaxa  Xisbiga Kulmiye MUJ Muuse Biixi ku biiritaanka Cududa Siyaasiyiinta  Garabka Isbahaysigu ku kordhinayaan Xisbiga Wadani .

Wariye ka tirsan Shabakada Wararka ee Wajaalenews ayaa u kuur galay dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee Gabiley ka socda ugu horayna Wariye C/Qaadir Habane waxuu waydiiyay siduu u arko Dhaqdhaqaaqyadan Siyaasadeed ee Gabiley ka socda Mid ka mida Aqoonyahanka Gabiley oo la yidhaa Mustafe Daahir Xasan waxaanu hadalkiisii ku bilaabay sidan : Anigu waxaan aaminsanahay in ay  Bulshada Gabiley Quus ka joogaan Xisbiga Kulmiye  taageero danbena aanay  la garab joogsan doonin Xisbiga Kulmiye  sobobtoo ah  Xukuumada Kulmiye siday ugu Lisayn ugu may hanbayn waxaana la gaadhay Waqtigii Bulshada Gabiley ka qayb qaadan lahayd dabayshii isbadalka oo dalka ka socota  waxaanan qalbi furan ku soo dhawaynaynaa ku biiritaanka ay Garabkii Isbahaysigu ay Cududeeda ku kordhiyeen Xisbiga Wadani .

Mar kale Wariye C/qaadir waxuu waydiiyay Aqoonyahan Mustafe sida uu u arko Go”aanka uu qaatay Wasiirkii Hore ee Maaliyada C/Casiis Muxumad Samaale oo ka duwan kan Go”aanka ay qaateen Saaxiibadiisii Garabka Isbahaysiga oo Cududooda ku biiriyey  Xisbiga Wadani  waxaanu  yidhi Aqoonyahan Mustafe  Wasiirkii hore ee Maaliyada C/casiis Muxumad Samaale waa Siyaasi Miisaan Culus ku leh Deegaanka G/Gabiley Bulshaduna ay Kalsooni buuxda ku qabto Hogaamintiisa waa Siyaasi Sumcad badan ku leh Deegaankan uu u dhashay balse Go”aanka uu qaatay Samaale maaha kii aanu ka filaynay kumana  Faraxsani .

Mar kale Wariye C/qaadir  Habane waxuu waydiiyay Oday C/laahi Cismaan Yuusuf  sida uu u arko  Siyaasiyiinta Garabkii Isbahaysiga Kulmiye ee Cududoodii ku kordhiyey Xisbiga Wadani iyo Madaxdhaqmeedka G/Gabiley ee  isu diyaariyay in ay ka qayb galaan Xaflada Garabka Isbahaysiga Kulmiye iyo Xisbiga Wadani waxaanu yidhi Oday C/laahi Bulshada Gabiley Madax iyo Mijo waxay Taageersanyihiin Go”aanka Garabka Isbahaysigu ay Cududoodii ugu kordhiyeen  Xisbiga Wadani waanan ku Bogaadinayaa Madaxdhaqmeedka isu diyaariyay in ay ka qayb galaan Munaasibada loo qabanayo Garabka Isbahaysiga iyo Xisbiga Wadani .

Mar kale Wariye C/qaadir Habane waxuu waydiiyay Oday C/laahi in uu isagu ka qayb galayo Munaasibada wayn ee Xisbiga Wadani ku soo dhawaynayo Siyaasiyiinta Miisaanka Culus ee Garabka Isbahaysiga Kulmiye waxaanu yidhi Oday C/laahi : Hormood baan u ahay Odayada ka qayb galaya  waxaana la gaadhay waqtigii dalka laga badbaadin lahaa Milatariga oo aynu  cagta saaro Jidkii dhibaatada badnaa  21/10/1969 oo goob joog u ahaa.

Sidoo Mar  waxuu waydiiyay  midkamida haweenka magaalada gabiley Marwo Faadumo C/laahi Maxamad sida ay u aragto ku biiritaanka ay garabkii Isbahaysiga Kulmiye Cududoodii ku kordhiyeen Xisbiga Wadani  Marwo Faadumo C/laahi Maxamad oo ka mida Hormoodkii Haweenkii u hagar baxay sidii Xisbiga Kulmiye ugu Guulaysan lahaa Hogaaminta Dalka waxay tidhi  Marwo Faadumo Bulshada Gabiley iyo Xisbiga Kulmiye way isbarteen waanan naqaanaa waxuu galo iyo waxuu gudo horena waan ugu dadaalay waanan ku  khasaaray  oo wataa Madaxdii iyo Wasiiradii aanu naqaanay Xillalkii ay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Xisbigii Kulmiye ka hayeen  uga tageen Afduubkii Murashaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Kulmiye  loogu Cumaamaday Muuse Biixi waxaanan ku Hambalyaynayaa  kuna Bogaadinayaa in Siyaasiyiintaasi Cududooda ku kordhiyaan Xisbiga Wadani  guushana ay la wadaagaan

Mar kale Wariye C/qaadir Habane waxuu waydiiyay Marwo Faadumo in ay ka mid tahay Haweenka Gabiley ee ka qayb galaya Xaflada Siyaasiinta Isbahaysiga loogu qabanayo Caasimada S/land ee Hargaysa  waxayna tidhi Marwo Faadumo  waan ka qayb galayaa Xaflada  aadna waan u jecelahay in aan goob joog u ahaado Munaasibada loogu qoys goynayo Muuse Biixi iyo Xisbiga Kulmiye .

Isku soo wada duuboo waxuu Ra”ayul Caamka  Bulshada G/Gabiley sheegayaa in ay  Qalbi furan ku soo dhaweeyeen ku biiritaanka Garabka  Isbahaysiga Kulmiye uu ku biiray Xisbiga Wadani marka laga reebo Maamulka Dagmada Gabiley , Maamulada Laamaha Dawlada iyo Shaqsiyaad Hayb ku taageera Gudoomiyaha iyo Murashaxa Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi Cabdi.

Wariye C/qaadir Habane

Shabakada Wararka Ee Wajaalenews

Gabiley Office

 

 

Exit mobile version