HARGAYSA(W,N)-Hanti dhawraha guud ee qaranka Axmed Yuusuf Dirir ayaa joojiyay xil wareejin uu samayn lahaa agaasimihii maamulka iyo lacagta ee wasaarada waxbarashada oo wasiir toorno maalintii shalay umagacaabay gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka
Sidoo kale hanti dhawrka guud ee qaranka ayaa joojinta xil wareejinta agaasimaha maamulka iyo lacagta wasaarada waxbarashda Cabdiqaadir Cabdilaahi Jaamac (jeex) ku sobobeeyay baadhitaan musuq maasuq oo xafiiska hanti dhowrku ka wadeen wasaarada islamarkaana uu agaasime waaxeedka maamulka iyo lacagtu fure uyahay baadhitaan
Dhanka kale hanti dhawraha guud ee qaranka ayaa sheegay in badelka agaasime jeex ay u arkaan ka raad gadasho musuq maasuq oo uu samaynayo wasiirka waxbarashadu
HALKAN KAGA BOGO QORAALKA XAFIISKA HANTI DHAWRKA;