WAJAALE NEWS

Madaxwayne Biixi Oo Shacabka Uga Xog Waramay Muhiimada Uu Somaliland Uleeyahay Heshiiska Ay Kala Sexeexdeen Dawlada Itoobiya.

HARGAYSA(W,N)-Madaxweynuhu waxa uu ugu horrayn ka hadlay nooca heshiiska ay labada dawladood galeen oo ah mid labada dhinac danahooda ka dhex arkeen, loona raacayo xeerarka iyo Dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamka, “Heshiiska la galay waa mid loo marayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u oggol yahayna waa la marayaa, wuxuu reebayna waa la reebayaa, saldhigga heshiiskuna waa Dastuurka, dawladda Somaliland iyo Ethiopia na way Shireen, waxana ay isu sheegteen dano mid waliba uu u baahan yahay inuu ka kale wax kala qabto,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inay in heshiisku tilmaamayo inay Ethiopia noqoto dalka ugu horreeya ee Somaliland dawladnimadeeda ictiraafa, Ethiopia-na kiraysan doonto goobo Somaliland ah oo cabbirkoodu sugan yahay, loona raacayo qawaaniinta caalamka ee la isla yaqaanno, waxana uu yidhi,“Dawladaha Somaliland iyo Ethiopia waxa ay ku heshiiyeen inay Ethiopia hesho dhul kiro ah oo cabbirkiisa laga heshiiyey, sharciga caalamka ee dhulalka iyo saldhigyada adduunka lagu kala kiraysto loo maro, Ethiopia na waxa ay heshiiska ku saxeexaysaa inay noqoto dawladda ugu horraysa caalamka  ee Somaliland ictiraafta, isku goob baana labadaa lagu kala saxeexanayaa, marka sharciyadda dalka loo dhammeeyo ee ta Dastuurkeenna iyo xeerarkeenna loo dhammeeyo, ta caalamkana la waafajiyo.”

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version