WAJAALE NEWS

Jilaa Caan Ka Ah Dalka Baraasiil Oo Geeriyoodey Isaga Oo Filim Lagaga Duubayo Biyaha Webiga +Muuqaal.

Hargeisa(WN):-

Domingos Montagner oo ah mid ka mid ah jileyaasha ugu caansan dalka Brazil ayaa ku geeriyooday webi isagoo laga duubaya musalsal qeyb ka ah filim aad caan uga ah dalkaasi.

Domingos oo 54 sano jir ah ayaa dabaal u galay wabiga isaga oo ay weheliso Camila Pitanga oo ah jilaa la shaqaysa kaddib maalin dhan oo ay filim duubitaan ku samaynayeen gobolka Sergipe oo dhaca waqooyiga bari ee dalkaasi.

Markii ay gabadhaasi jilaaga ah dareentay in hir wayn uu la tagay Domingos ayay dhawaaqday iyadoo codsanayso in la badbaadiyo, balse dadkii deegaanka ee u soo daawasho tagay ayaa markii hore u qaatay in ay wali sii wadaan jilidii filimka.

Domingos ayaa door muhiim ah ka qaatay filimka Sao Francisco oo ah filim taxane ah oo loogu magac daray isla wabigaas uu hadda ku geeriyooday.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan 

Exit mobile version