WAJAALE NEWS

Baarlamaanka UK oo Lagaga Hadlay Heshiis Xaasaasi ah Oo Somaliland iyo Ingiriisku Wada Saxeexdeen Iyo Waxa Uu Ku Saabsan Yahay.

London,  (Wajaalenews)- Xukuumada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday inaanay faahfaahin ka bixinayn qodobada ku jira heshiis si khasab ah loogu celinayo waddamadii ay u dhasheen maxaabiista ku jirta Xabsiga dalkaas oo u dhashay wadamo Somaliland ku jirto.

Fadhi Khamiistii Baarlamaanka Ingiriiska yeeshay ayaa xildhibaan ka tirsani xisbiga mucaaradka Philip Davies ka jeediyey su’aal la xidhiidhay horumarka laga gaadhay qorshaha heshiiskaas oo dhigaya in khasab loogu celinayo maxaabiista ku jirta jeelashooda ee aan dhalasho ahaan ka soo jeedin wadamadda Midowga Yurub.

Mr. Shailesh Vara oo wasiiru-dawlaha wasaarada Cadaalada Ingiriiska oo ka jawaabayey ayaa sheegay in qorshahan sida khasabka loogu musaafurinayo maxaabiista ku jirta jeelashooda wadamadii ay ka soo jeedeen dhexmarto makmadaha Ingiriiska iyo wadamada kale, loona baahan yahay ogolaanshaha wadanka loo celinayo.

Mr. Vara ayaa raaciyey inay heshiis is-faham ku saabsan qorshe maxaabiista ku jirta jeelashooda si khasab ah loogu celinayo Somaliland la saxeexdeen, balse isaga (Vara) iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda diyaar u ahayn inay faahfaahin ka bixiyaan tafaasiisha la xidhiidha qorshaha.

Heshiiska ku saabsan qorshaha sida khasabka loogu celinayo wadamada ay dhasheen maxaabiista ku jira jeelashooda, waxay ay dowladda Ingiriisku kula jirtaa dalalka Nijeeriya, Albaaniya iyo Ghana, kuwaas oo dhowaan lagu celiyey maxaabiis ku xidhnayd dalkaas.

Dowladda Ingiriiska ayaa hore u shaacisay inay heshiis dib loogu celinayo maxaabiista ku jirta xabsiyadooda la galeen waddamo Somaliladn ku jirto. Sidoo kale, Dowlado ay ka mid tahay Denmark ayaa xaqiijiyey heshiis noocan oo kale oo xukuumadda Somaliland la gashay.

Haseyeeshee, Xukuuumadda ayaa tiraba dhowr jeer oo arrintan wax laga waydiiyey beenisay inay jiraan heshiisyadaasi, iyadoo sheegtay inaanay ka aqbali doonin waddan kasta oo muwaadiniin u dhashay Somaliland si khasab ah dib ugu soo celiya dalka.

 

 

 

XIGASHO;Himilomedia

Exit mobile version