WAJAALE NEWS

Sir Culus: Maxaa Ka Fulay Mashaariicda Horumarineed Ee Ku Jiray Miisaaniyadii Sanadkan 2016-ka Golaha Deegaanka Gabiley Ansixiyeen?

Gabiley (Wajaale News):- Xogtan qarsoodiga ah oo ku saabsan mashaariicda horumarinta ee k u jira miisaaniyadii golaha deegaanka Gabiley ansixiyeen bishii sagaalaad ee sanadii hore ee 2015-ka loogu na talo galay in la hirgalinyo sanadkan2016-ka ee lagu jiro oo shabakada wararka ee Wajaale News soo heshay nuqul ka mid oo ay ku sexeexan yihiin maamulka golaha deegaanka ee hadda joogaa.

Xogtan oo inta badan laga qariyo inay wax ka ogaadaan muwaadiniinta reer Gabiley ee cashuur bixiyayaasha, xogtan ayaa muwaadiniinta ka caawin doonta: marka hore, inay kula xisaabtamaan oo hubiyaan in mashaariicdan la fuliyey wakhtigii la qorsheeyey iyo sidoo kale in kharashka loo qoondeeyey mashruuc kasta inuu macquul ama mukhaarash yahay.  Mar labaad, in ay saxaan oo maamulkooda u sheegaan wixii khaldamay iyo sida ka saxsan ee loo fulin lahaa. Arrinta sadexaad, inay tilmaam ka bixin karaan sida loo hagaajinayo fulinta mashaariicda horumarinta ee Dawlada Hoose iyo dib dhac kastoo yimaado na inay kula xisaabtami karaan, kuna qanci karaan wixii macquula ee keeni kara dib u dhac kasta, taasu oo ka dhigaysa dadwaynaha inay ka qaybqaateen hirgalinta mashaariicda horumarinta ee degmadooda.  Faa’iidada afraad ee xogtani leedahay waa in bulshada iyo maamulka ka dhex dhaliso is aaminaad wada shaqayn ka dhex dhalata bulshada iyo dawlada ka dib markay wadaagaan xogtan iyo maxsuulka kasoo baxa maadaama la marayo bishii sideedaad oo dhamaad ku dhaw taasoo qorshahana ka dhigaysa inay hadhaan mudo afar bilood oo kaliya.

 

Xogtan Waxaa lagu hubin karaa in la fuliyey mashaariicda iyo inkale marka mashruuc kasta lasoo eego in la dhisay  iyo in kale, hadduu dhisme ahaa  dhismihii oo taagan waa in la helaa; haddii aan la dhisina waa in la is waydiiyaa maxaa loo dhisi waayay oo laga dabo tagaa oo markay ugu yar tahay la helaa dhaqaalihii loo qoondeeyey oo yaala, haddii meel kale loo leexiyey na waxaa kale ee lagu qabtay iyo qorshihii goluhu ku bedeleen waa in la helaa.

Xogtan markay bulshadu hesho waxay ogaansan doonaan ama awood u yeelan doonaan inay ogaadaan oo meelaha wax ka qaloocdeen iyo meelaha sidii loogu talo galay looga hirgaliyey horumarkan u qorshaysnaa golaha deegaanka Gabiley.

Mashaariicdan kuwee la fuliyey? Halkee laga fuliyey? Mashaariicdan ma la mariyey nidaamkii qandaraas bixinta ee sharciga ahaa? Mashruuc kasta yaa la siiyey? Siduu ku helay qandaraas qaataha ku guulaystay? Su’aalahan oo jawaabohooda ay kasoo bixi doonaan kuwa la hirgaliyey iyo in si hufan loo hirgaliyey. Mashaariicdan ma look ala horumariyey sidii ay bulshada ugu kala muhiimsanaayeen, tusaale ahaan sadex bilood ee u horeeya mashaariicda loo qorsheeyay iyo sadex da ku xiga keebaa ugu horayn lahaa keebaa se ka danbaysiin lahayd.

Xogtan oo maamulka degmadu ka qariyaan shacabka ayaa la odhan karaa inay kala saari doonto kooxaha faaleeya siyaasada Gabiley ee qaar na dhaliilaan qaar kale na amaanaan maamulka degmada Gabiley, taasi oo shacabka u iftiimin doonta dhinaca khaladku ka jiro; kuwa dhaliila iyo kuwa amaanaba, sababta sidaa loo odhan karaa waa xogtan oo ah mid ku filan inay beeno badan oo laga sheeayay maamulka ka fogayso, eedo aan hore loogu eedaynay na usoo jiido.

 

Lasoco qormooyinka danbe oo shabakada Wajaale News qorshayaashaasi mid mid ugu eegi doonto waxa la fuliyey mashaariicdan kor ku xusan; kuwaan fulin iyo sababta ay u fuli waayeen oo aanu warbixino gaar gaara idiinka diyaarin doono iyadoo wax laga waydiin doono daneeyayaasha mashruuc kasta iyo maamulkaba wixii dhinac kasta ka khuseeya.

 

Wajaale News Staff.

Gabiley Office.

Gabiley Somaliland.

 

Exit mobile version