WAJAALE NEWS

Ma La Odhan Karaa Xirsi Wuxuu Noqday Khumeini-ga Wadani!! FAALO

Xirsi iyo Wadani: Magac iyo Mansab Cusub: Khumeini=Xirsi

HARGAYSA(W,N) Waxa dhawaan heshiis wada gaadhay xisbiga mucaaradka ah ee Wadani iyo garabka isbahaysiga ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ka dib markii ay ka quusteen in wax tanaasul ah uu u sameeyo xisbigooda KULMIYE oo ay ku kala aragti duwanaadaan sida loo xulayo musharaxa madaxweynaha xisbigaasi ku metelaya doorashooyinka soo socda.

Garabka isbahaysiga KULMIYE waxa ka mid ahaa rag badan oo qoodh ah, isla markaana xilal waaweyn ka hayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Arrimaha Debada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirkii hore ee Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud C/Risaaq Khaliif, iyo qaar kale oo badan.

Xubnahani waxay xukuumadda iska casileen dhawr iyo labaatan maalmood ka hor shirweynihii golaha dhexe ee KULMIYE, iyada oo ay ku jireen rag badan oo quudaraynayay mansabka musharaxa madaxweynaha ee xisbiga oo uu ka mid yahay Maxamed Biixi Yoonis.

Haddaba, inkasta oo ay miisaankooda wada lahaayeen xubnaha xukuumadda iska casilay, haddana waxa ka mid ahaa Xirsi Cali X. Xasan oo lagu xaman jirey inuu ahaa gacanta midig ee Silaanyo, isla markaana marar badan ay warbaahinta maxaliga ah ku tilmaameen inuu yahay Ra’iisal Wasaare, ka dib markii loo magacaabay mansab markaa ku cusbaa dalka oo la yidhaahdo Chief of Cabinet oo qeexido kala duwan laga bixiyay, balse markii dambe laga dhigay Wasiirka Madaxtooyadda.

Marka la eego sidii ay warbaahintu berigaasi uga dooday, waxa xusid mudan in mansabka loo magacaabay haddii uu yahay chief of cabinet iyo haddii uu yahay Wasiirka Madaxtooyadda in labaduba ay saamayn lahaayeen. Tusaale ahaan wasiirka madaxtooyadu wuu ka jiri jirey Somaliland xukuumadda Siilaanyo, hasayeeshee muu lahayn awood caynkaasi iyo kursi la majeerto toona. balse markii Xirsi yimid wuxuu noqday kursi miisaan leh, isla markaana helistiisa aad loo daneeyo.

Laakiin marka si kale loo yidhaahdo sababta keentay inuu wasiirka madaxtooyadu ka mid noqdo wasaaradaha miisaanka leh mar la weydiiyay Xirsi laf ahaantiisa isaga oo baarlamaanka la hadlaya waxa uu yidhi. “Mansabku hogaamiyaha ma sameeyo ee hogaamiyaha ayaa mansabka sameeya” isaga oo markaa xiganaya aragti uu hore u yidhi xoghayihii hore ee Gaashaandhiga Maraykanka Rumesfield.

Haddaba waqti xaadirkani heshiiska Wadani iyo Isbahaysigu wuxuu soo saaary mansab cusub oo la yidhaahdo hogaamiyaha xisbiga.

Mansabkani wuu ku cusub yahay wadanka, sidaasi darteedna wuxuu u baahan yahay fasiraado dheeraad ah aynu soo qaadano wadan si fudud loo fahmi karo, waa wadanka Iran oo Khumeini=ga loo yaqaano hogaamiyaha ruuxiga ah.

Bal aynu wax yar is-dul-taagno awoodaha hogaamiyahaasi

Marka si guud loo eego awoodda hogaamiyaha

Hogaamiyaha sare ee Aayatullaahi Cali Khumeini waxa weeye qofka ugu awoodda badan uguna shaqada badan ee wadanka Iran. Wuxuu maamulaa arrimaha siyaasadda gudaha iyo debadaba waxaanu ku dedaalaa sidii awoodda uu ku leeyahay wadankiisu u jiri lahayd.

Aragti ahaan dastuurka Iran waxa loola jeedaa mid isku xidha hannaankiisa iyo ka jamhuuriga ah ee madaxweynaha.

Marka la eego hab-dhaqanka Iran hay’adaha aan la dooran ee ay ka mid yihiin hogaamiyaha ruuxiga ah iyo Ilaaladda kacaanka Islaamiga ah, waxay leeyihiin oo ay hawlahooda gacanta ku hayaan hay’ado badan oo la soo doortay oo ay ka mid yihiin baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Awoodaha hogaamiyaha

Awooddaha hogaamiyaha waxa ugu horeysa inuu yahay mid ku dhisan inuu yahay cida leh wilaayadda amaba hogaaminta oo ku abtirsata imaamyada shiicadda ee 12-ka ah, kana soo jeedda Alhlul Baytkii Rasuulka (SCW).

Maadaama oo uu yahay hogaamiyaha ugu sareeya Khumeini wuxuu leeyahay awoodda dastuuriga ah ee uu ku xukumo garsoorka iyo ciidamada qalabka sida iyo weliba xubnaha hoggaanka ciidamadda ilaaladda kacaanka iyo hay’adaha warbaahinta ee ay dawladdu maamusho.

Sidoo kalena wuxuu dusha ka xukumaa hay’adaha awoodda badan ee ay ka midka yihiin golaha badbaadada oo dusha ka xukuma xulista musharaxiinta baarlamaanka oo ka kooban 12 xubnood, kuwaasi oo uu lix ka mid ah khumeini soo xulo iyo weliba golaha garsoorka uu iyagana kala badh soo xulo. Sidoo kale dhaqaalaha qaranka waxa gacanta u haya dawladda, waxaanu Khumeini leeyahay sida loo isticmaalo dhaqaalaha saliida ka soo xerooda.

Sidoo kale waxa iyagana gacanta ku hayaa hay’adaha deeqaha oo leh iyaguna balaayiin dollar oo hanta ah iyo weliba malaayiin kale oo uu helo xafiiskiisa deeqaha bixiya ee maqaamyada ruuxiga ah.( holy shrines).

Haddii aynu u soo noqono Somaliland, ereyga hogaamiyaha ee uu Xirsi ka noqonayo xisbiga Wadani iyo awoodaha u qoran marka aad eegto wuxuu u dhaw yahay kan Iran oo kale.

Tusaale ahaan waxa hoos iman doona dhammaanba hawlaha ololaha doorashooyinka, oo ah shaqada keli ah ee xisbiga ka socota waqtiga doorashada.

Waxa kale oo uu noqonayaa la taliyaha musharaxa madaxweynaha iyo gudoomiyaha, taasina waxay u Eekaanaysaa inuu kaalintii Khumein-ga oo kale kaga jiro Wadani Mr. Xirsi, sababta oo ah mar haddii ololuhu hoos imanayo waxa weeye isaga ayaa saamayn badan ku yeelan doona habka xulashada musharaxa ee madaxweynaha si la mid ah sida Khumeini oo kale. Sidoo kalena haddii ay guulaystaan isaga ayaa noqonaya qof ugu dhaw ee uu madaxweynuhu ka talo qaato.

Intaasi waxa dheer oo iyana ka dhigaysa inuu yahay awoodda ugu dambaysa ee xisbiga waxa uu gudoominaya shirka qiimaynta xisbiga oo ay iskugu iman doonaan dhammaanba hoggaanka xisbigu, oo ay ku jiraan gudoomiyaha iyo golaha dhexeba.

Sidoo kalena wuxuu noqonayaa gudoomiyaha golaha dhexe, taasi oo iyana ka dhigaysa inuu kaalintii hoggaanka ee xagga sharci dejintana gacanta ku hayo.

Marka Iran laga yimaado, waxa kale oo aynu falan-qayn doonaa awoodaha wadamada kalena uu ku leeyahay hoggaamiyuhu talada xisbiga iyo xidhiidhka ka dhaxeeya gudoomiyaha, sida xisbiyada Ingiriiska oo kale.

 

LASOCO

Exit mobile version