Hargeysa(Wajaalenews) Madax-dhaqameedka beelaha garxajis ayaa maanta kulan ay iskugu yimaadeen hotel Ambassador ee magaalada hrgeysa waxay si wada jira ugu dhawaaqeen goorta la qabanayo shirwaynaha beelaha Garxajis.
Waxaanay madax-dhaqameedkani ku dhawaaqeen in shirwaynuhu ka qabsoomayo magaalada hargeysa taariikhdu markay tahay 13-ka bishan ay ku guda jirno ee todobaadka soo socda.
Waxaanay madax-dhaqameedku sheegeen inaanu shirkani ahayn mid wax u dhimaya qaranimada Somaliland balse ay beeluhu kaga tashanayaan aayahooda iyaga oo tilmaamay inay kasoo bixi doonaan shirwaynahan go’aamo iyo qodobo aan waxba u dhimayn horuamrka iyo amniga dalka.