WAJAALE NEWS

Somaliland: Madaxwayne Aragti Leh Waa Loo Baahan Yahaye Mee? Siyaasi Cali Guray.

Madaxwayne Farmajo Marka Hore Wuu Ku Mahadsan Yahay Amaanta Uu Amaanay Dhigiisa Somaliland, Madaxwayne Biixi.

 Aragtida labada Madaxwayne ay isla fahmeen ilaa hadda Waxaynu ka haynaa Madaxwayne Farmaajo oo keliya, halka ay ka duulaysana waa wax la fahmi karaa oo ah 30kii sanadood ee Ugu dambeeyay in Somalia ay waxba noqon kari wayday, Somalilandna ay waxba noqon kari wayday ee loo baahan Yahay talo dambe ayuun baan kolay anigu u fahmay..

Hadaba ta Somalia gartay oo waa run ee ta Somaliland inay waxba noqon kari wayday kuma raacsani, hadii aanay ahayn Somaliland wax kasta oo ay qabsatay iyo wax kastoo ay dadaal samaysay horumarna ay gaadhay hadana 30kii sanadood way ku fashilantay higsigeedii mar hadii bulshada caalamka hal waddan oo aqoonsada daaye ay ka heli wayday saaxiib keliya Oo isku garab taaga qadiyadeeda gooni-isu-taaga, halka xataa wadamada daneeya Somaliland oo dhami ay isku raacsan yihiin midnimada Somalia iyo Somaliland. Markaa taasi waa xaqiiqo aan la dafiri karayn.

Hadaba Somaliland 30 sanadood waxay ka mid ahayd Somalia sidii ay ula midawday iyo wixii dhacay 30kii sanadoodna waa la Ogaa oo waa tii ugu dambaystii ku soo dhamaatay burburkii Qaranimadii soomaaliyeed. Sidii ay ku burburtay qaranimadii hore iyo cidda masuulka ka ahaydna hadii aan la is indho tirayn waa la ogaa. Hadda 30 sanadood oo ka dambeeyay burburkii qaranimadii soomaaliyeed, Somaliland iyo Somalia way kala maqnaayeen oo laba dawladood ayay kala ahaayeen, hadana si buuxda umay kala kala dhaqaaqine intaa way kala lusheen. Hadaba aragtida cusub ee Madaxwayne Muuse, sida muuqata waa mid ilaa iyo hadda laga yaabo in isaga keligii ay ku kooban tahay oo xataa aanu la wadaagin kuwa ugu dhadhaw golihiisa wasiirada iyo cid Somaliland ah oo kale.

Marka ay sidaa tahay dabcan ma noqon karto wax ka badan aragti shakhsi oo ku kooban Madaxwayne Muuse iyo madaxwaynaha uu la sheekaystay ee Somalia oo ah cidda keliya uu Madaxwayne Muuse la wadaagay aragtidiisan cusub.

Anigu mid ma diidanii oo waan qabaa marka aan eego xaaladda Somaliland in wax la is waydiiyo la wada tashado taladana la wada rog rogo iyada oo aan cid gaar u danaysanaysa ama loogu danaynayaa jirin ee dhinaca danta dadka iyo dalka Somaliland oo keliya wax laga eegayo. Ugu dambaysta talo loo dhan yahay lama waayeen taasina waa marka ay jirto talo la wada leeyahay ee uu jiro is aamin Somaliland dhexdeeda, tasina maanta mid ka jirta Somaliland maaha. Madaxwayne Muuse in aragtidiisa looga rixiyo waxba na tari karto isagana way ku adag tahay in sadkiisa uu ku hogaamin karo talo loo midaysan yahay waayo dadka Somaliland hadii ay yihiin kuwoosii ugu aqoonta roonaa ugu waayo aragsanaa uguna lexojeclada badnaa maaha wuu ka tegay ama wuu dayriyay oo talo lama wadaago oo keliya ee waxa la odhan karaa in badan waabu colaystay ama waabay is colaysteen, khilaafka siyaasadduna halkii ugu xumayd ayuu marayaa ilaa ay doorashooyinku qabsoomayaanna wax ka sii daraa ha joogto eh uma eka in wax ka soo reeya la helli doono. Markaa hadii Madaxwayne Muuse ay ku filan tahay in aragtidiisa isaga uun ku kooban keligii la wadaago Muqdisho oo looga rixiyo isaga Iyo garaadkii laakiin taasi waxba kama tarayso waxna kama bedeli karto dadka Somaliland eh ha ku daalina

Siyaasi Cali Gurey,

Hargeysa Somaliland

Exit mobile version