Waxaana waftigan oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo sidoo kale agaasimaha warfaafinta Somaliland
Waxaana ujeedada ay waftigan ugu baxeen dalka itoobiya ay tahay sidii ay maamulka kililka shanaad uuga soo wada hadli lahaayeen arimo badan oo la xidhiidha dhanka amniga.
Waxaana waftigan wasiirada ah markii ay gaadheen magaalada wajaale oo ah magaalo xuduudeedka u dhaxeeya Somaliland iyo itoobiya ka hor yimi xubno wasiiro ah oo ka socday kililka shanaad, iyaga oo halkaasi kasii galbiyay una sii galbiyay magaalada jiigjiga.
Waxaana wararka aan helayno sheegayaan in xalay ay gaadheen waftigaasi magaalada jigjiga iyaga oo xalayna kulan is waraysi ah wada yeeshay xubno wasiiro ah oo kililka ah laakiin lama oga wararna kamasoo baxayaan waxay xubnahasi kawada hadleen.
Hargeisa Office
Wajaalenews.net