WAJAALE NEWS

Xawalada Juba Express Oo Cabasho Laga Muujiyay+Waa Maxay Sobobtu?

Hargeisa(WJN):-xawalada lacagaha ee juba express oo ka hawlgasha meela badan oo ay somalidu degto oo inta badana ka shaqaysa sidii ay dadka si fudud ugu kala adeegi lahayd oo lacagaha loo soo diro ay si dhakhso ah ugu gudbiyan Cida lo so diray.
Iyada oo ay mudooyinkii ugu dambeeyay ay soo badanayaa xawaladaha somalidu kuwasi oo ku tartarma sidii ay xawaladahooda u horimarin lahayeen.
Sida aynu wada ognaha dadka somalida ah ee ku nool wadamada qarada Africa ayaa ah kuwa inta badan dhaqalahooda loo soo mariyo xawaladaha.
Hadaba xawalada juba express ee magaalada hargeisa oo kalin wayn ka qadata dadka biilasha soo dira iyo dadka lacagaha loo soo diro.
Xawalada Juba Express xarunteeda magaalada hargeisa oo ah meel ay inta badan si wanaagsan uga hawlgalaan xawaladaha somalidu oo noqotay xarun dadka shaki galisa.
Dadka inta badan ku xidhan Xawalada Juba Express oo waraysi siiyay shabada wararka ee wajaalenews.net qaybteeda warqabadka ayaa walaac ka muujiyay hanaanka shaqo ee xawaalada juba express.
Ninka oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo sobobo amniga la xidhiidha awgeed.
“Waxa uuna sharaxaad ka bixiyeen hanaanka shaqo ee xawalada juba express oo uu ku tilmamay inay tahay xawalad si halsooni daro ah bulshada ugu adeegta waxana uu sheegay inuu uga cabsi qabo inay marto wadadii xawaladii Qaran.
Mararka qarkood waxa dib kaga dhacaya lacaga laguu soo diro oo aad mudo badan sugaysid sidoo kalena waxa aad kala kulmaysaa shaqalaheeda inay mid madmadow galiyaan lacagta lagu soo diray”.
“Waxa kale oo uu intaa raaciyay in xarunta xawalada Juba Express ay goor walba xidhan tahay oo aad marwalba ku lugo,aysid.
Sidaa daraadeed waxa aad moodaa in maalmahan ugu dambeeyay inay kaba sii dartay”.
Hadaba shabakda wararka ee wajaalenews oo isku dayday ayaa aanay u suurto galin inay ka xaqiijiso wararka ka soo baxaya xawalada Juba Express.
Ugu dambayntiina xawalada somalida ayaa ah kuwo inta badan aan haysan dhaqaale ku filan oo ay daymaha lagu leeyahay ay iska bixiyaan sidoo kalena waxay adeegsadaan lacagaha dadka loogu soo xawilo.
Arinaasi ayaa dhabar jab ku noqonaysa dadka lacagaha loogu soo diro iyo kuwa u dhiibtaba.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version