General Bekir Ercan Van, ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu ku jiray Saraakiishii soo qaban qaabisay afgambigii fashilmay, ee lagu doonaayay in xilka looga tuuro Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.
Saldhiga Incirlik, ayaa waxaa Ciidamada Turkiga kala hawlgalaayay kuwa Mareykanka. Mareykanka waxaa laga joojiyay isticmaalka hawada Turkiga, sida ay maanta xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka.
Dowladda Turkiga, ayaa kordhisay beegsiga ka dhanka ah Saraakiisha, Ciidamada iyo kuwa Garsoorka ee ka hawlgala Maxkamadaha dalkaasi ku yaala, sababo ku aadan doorkii ay ku lahaayeen afgambiga dhicisoobay.
Wasiirka Garsoorka Turkiga, Bekir Bozdag, ayaa waxaa uu galabta ku dhawaaqay in dadka xabsiga loo taxaabay ay tiradoodu gaartay sideed kun oo ruux, ayna sii socon doonto qab qabashada.
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane