Carwadii 6aad Ee Ganacsiga Somaliland Oo Wakhtigeedi Dib Uga Dhacday Iyo Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Ku Fashilantay Qabashadeeda
Hargaysa(WAJAALENEWS)Rugta Ganacsiga Somaliland oo ah Carwada lixaad ee Ganacsiga oo Barri ka furmi lahayd magaalada Hargeysa oo Ku Fashilantay in ay rumayso balan qaadkaas.
|
windowtext 1pt; FONT-FAMILY: ?Arial Narrow?,?sans-serif?; BORDER-RIGHT: windowtext 1pt; BORDER-BOTTOM: windowtext 1pt; COLOR: black; PADDING-BOTTOM: 0in; PADDING-TOP: 0in; PADDING-LEFT: 0in; BORDER-LEFT: windowtext 1pt; PADDING-RIGHT: 0in; mso-border-alt: none windowtext 0in”>Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Jaamac ayuu ku sheegay in Codsi uga yimid Ganacsatada waaweyn ay kaga dalbadeen in munaasibada sanadka cusub loogu Beego.
((((((((((SLCCIA))))))))))
Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Beeraha ee Somaliland
غرفة التجارة و الصناعة والزراعة ﻠصومالىلاند
SomalilandChamber of Commerce, Industry & Agriculture
Tel: 2522-523143, Email Address:slcham93@gmail.com
November 30th, 2013
OGEYSIIS
Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Beeraha Somaliland Somaliland waxa ay ganacsatada iyo Dadweynaha Reer Somaliland ee Xiisaynayey in ay ka qayb qaataan Carwada Ganacsi ee Lixaad ee furmi lahayd 1-12-20013 ku wargelinaysaa in Codsi uga yimi xubnaha guddida fulinta ee Rugta Ganacsiga darteed dib loogu dhigay munaasibada sanad guurada sanadka cusub ee 2014-ka, taasoo dhici doonta isla maalintaas oo ku beegan 1-1-2014 oo ah maalin Arbaca ah.
Sidaas darteed, Rugta Ganacsiga Somaliland waxa ay markale ka codsanaysaa dhamaan Ganacsatada iyo Dadweynuhuba in ay mudadaas ku diyaar garoobaan isla markaana diyaarsadaan wixii ay u baahan yihiin.
Allaa Mahad Leh
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland
Maxamed Shugri Jaamac