WAJAALE NEWS

Maxaa Ka Jira In Dawladda Soomaaliya Ay Somaliland U Soo Dirtay Wakiillo Dadban Oo Hargeysa Gudaheeda Ku Bixiya Baasaaboorro Dublamaasi Ah?

Amarkii Ay Xukuumaddu Hore Ugu Mamnuucday Baasaaboor Soomaaliga Oo Ay Dawladda Federaalka Ahi Ku Bedeshay Kuwo Qiimahoodu $3000 Yahay

Hargeysa (W.N) –  Kadib Go’aankii ay xukuumadda Somaliland dalkeeda kaga mamnuucday  Baasaaboorka Electronic-ga ah ee Soomaaliya oo hore ay dawladda federaalka ahi si dadban ugu bixin jirtay Somaliland gudaheeda ayaa markii ay  ku dhawaaqday in aan Somaliland lagu bixin Karin baasaaboor Soomaali ah oo ku suntan in magaallooyinka  dalka laga bixiyey waxaa ay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya bilowday tallaabo hor leh oo ay ku socodsiinayso muunad kale oo kamid ah baasaaboorradeeda. Warar xogogaal ah iyo baadhitaanno uu wargeyska HUBAAL  ugu dhabo galay baasaaboorkan ayaa daboolka ka qaaday in  haatan Somaliland gudaheeda lagu bixiyo Baasaaboorka midabkiisu casaanka yahay ee  loogu talo galay dublamaasiyiinta oo kaliya, baasaaboorkaas oo cidda sidata ama qaadata ay xurmo gaar ah  u helayso dhaqdhaaqooda  sida madaarrada oo aan haba yaraatee qofka baasaaboorka dublamaasiga ah sita wax baadhitaanno ah lagu samaynayn, isla markaana uu caalamka meel kasta u duulli karo.

Baasaaboorkan ayaa ilo wareedyadu tibaaxeen in tan iyo dabayaaqaddii bishii barakaysnayd ee Ramadaan ee inna dhaaftay laga bixinayay magaallada Hargeysa gudaheeda iyada oo si raad gadasho leh ay dawladda Soomaaliya ugu soo wakiillatay socodsiinta baasaaboorkan qaar kamid ah shaqsiyaadkii hore qarsoodiga Hargeysa ugu bixin jiray baasaaboorka shacbiga, kuwaas oo haatan ku sugan magaallada Hargeysa.

BAasaaboorkan ayaa ilo wareedyadu ay qiimaha lagu qaadanayo ku tilmaameen lacag qadarkeedu gaadhayo Saddex kun oo dollar, qiimahaas oo bedelkiisa uu baasaaboorku kaga duwanaaanayo kuwii hore ixtiraam gaar ah oo qofka sitaa uu ka helyo dalalka uu u dhoofayo iyo  madaarrada uu ka degayoba. Labadii bilood ee u dembeeyey ayaa warku intaa ku daray in uu six awli ah u socday qaadashada baasaaboorkani iyada oo ay qaateen dad kala duwan oo isugu jira siyaasiyiin reer Somaliland ah, ganacsato,  madax dhaqameed iyo qaybo kale oo bulshada ka mid ah. Qaar kamid ah dadka aqoonyahanka ah ee u dhuun daloola  siyaasadda laga leeyahay baasaaboorkan ay soomaaliya  ku dhex qaybinayo Hargeysa gudaheeda ayaa kadigay cidhib xumada uu qarannimada Somaliland iyo qaddiyada gooni isu taaggeedaba ku yeellan karo haddii aan dawladda Somaliland tallaabo degdeg ah ka qaadin.

 

Mid kamid ah dadka xogogaalka ah ee   Wargeyska HUBAAL uga xog warramay dhibaatooyinka uu horseedayo baasaaboorkani ayaa isaga oo ka gaabsaday in uu magaciisa xuso waxaa  sheegay in uu  ka war qabo in baasaaboorkan dublamaasigu  baabi’inayo dawladnimadii Somaliland haddii aan xukuumaddu tallaabo ka qaadin oo aan la joojin “Baasaaboorkan case e la bilaabay waa dublamaasi oo waa uu ka duwan yahay kii madoobaa ee shacabku qaadanayay, run ahaanna waxaa uu kani si toos ah u baabiinayaa dawladnimadi iyo dalnimadii Somaliland, waayo  markasta oo uu kordho cadadka Hargeysa gudaheeda  laga siinayo oo ee loogu qorayo in Hargeysa laga bixiyey waxaa ay dhibaato ku tahay wixii aynu dhisaynay” sidaa ayuu yidhi muwaadinkani, waxaanu intaa ku daray in qofka sitaa uu madaarrada meel kasta marayo oo aan la baadhayn shuruudda keliya ee qaadashadiisa lagu xidhayaana ay tahay inuu wax ka yaqaanno siyaasadda ama ay wax uga bilaaban yihiiin. “ Siyaasiyiintii baa qaadanaya oo salaadiintii baa la siiyey, oo baayac mushatari reer Somaliland ah baa sita, haddii ay laba kun oo ruux gaadhaan dadka Hargeysa ka qaatay ee laga diiwaangeliyey magacyadooda baasaaboorku waxaa ay gebi ahaanba u quus g oynaysaa dawladnimadii, markaa waxaan xukuumadda Somaliland iyo cidii ku shaqo leh oo Imigirayshanku ugu horreeyo ugu baaqayaa in ay hoos u soo eegaan waxan dalka gudihiisii ka socda.

Dhinaca kale mar xalay uu Wargeyska HUBAAL khadka telefoonka kula xidhiidhay Nin  lagu Magacaabo Asad Axmed Faarax oo Hargeysa ku sugan si aanu wax uga weydiinno  amuuro ay  ilo wareedyadu ku xidhiidhiyeen in uu door shariif ah ka ciyaarayo bixinta iyo samaynta baasaaboorkan  uu dawlada Soomaaliya wakiil dadban uga  yahay Somaliland, ayaa dhinac iskaga leexiyey ku lug lahaanshaha arrintan isaga oo ka dhawrsaday in uu  wax tafaasiil ah ka bixiyo warbixinaha ku xidhiidhinaya arrintan “Walaallo anigu wax lug ah kuma lihi waxaas aad sheegayo” ayuu si kooban ugaga jawaabay su’aal uu wargeyska HUBAAL ka weydiiyey baasaaboorrada Soomaaliyeed ee dalka laga bixiyo iyo wararka ku xidhiidhiyey, intaas ka dibna waa uu dhigay telefoonka.

Exit mobile version