Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Magacaabay Shantii Xubnood Ee Dhinacooda u Matalaya Gudida Qaban Qaabada Shirwaynaha Xisbiga Ucid + Magacyadooda
WARSIXAAFADEED;
UCID
Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأة
27/0716
Ku: Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Faysal Cali Xuseen
Og Musharaxa Jagada Madaxwaynaha
Jamaal Cali Xuseen
Og Gudida Diiwaangelinta Ururada/K.S Xisbiyada
Sumad: Gx-3/04/16
Ujeedo: Magacabista Xubnaha Gudida
Qabanqaabada Shirwaynaha
Markaan arkay Heshiiskii Midnimada Xisbiga UCID ee ku taariikhaysan 12/07/2012
Markaan arkay Go’aamadii Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID ee ku taariikhsan 28/10/2012
Markaan arkay Go’aankii Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Iyo Kala Saaridda Xisbiyada Qaranka
Markaan arkay xaaladda cakiran ee khilaafka gudaha Xisbiga iyo baahida Xisbigu u qabo in sida ugu dhakhsaha badan uu Shirwaynaha aan caadiga ahayn ee Xisbigu u qabsoomo si gebi ahaanba loo soo af jaro khilaafka xisbiga
Waxan halka kuugu soo gudbinayaa liiska magacyada 5tii xubnood ee Gudida Qabanqaabada Shirwaynaha dhinaca Musharaxa Jagada Madaxwaynaha JAMAAL CALI XUSEEN
- Aaden Suld. Cabdiraxmaan Suldaan Diirye
- Xuseen Caynaan Faarax
- Xuseen Xasan Badmaax
- Aadan Cali Yoonis
- Cali Maxamed Xasan
Hadaba waxanu u aragnaa in wakhtigu cidhiidhi inagu yahay oon loo baahnayn in aynu lumino maalin keliya si Shirwaynuhu ugu qabsoomi karo 45 maalmood gudahood, sida ku cad go’aanka Gudida Diiwaangelinta. Waxan soo jeedinayaa in 10ka xubnood ee Gudida Qabanqaabadu ay fadhigooda ugu horeeya yeeshaan maalinta Sabtida 30/07/16
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Cali Maxamed Yussuf
G/xigeenka 3aad