Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Magacaabay Shantii Xubnood Ee Dhinacooda u Matalaya Gudida Qaban Qaabada Shirwaynaha Xisbiga Ucid + Magacyadooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Magacaabay Shantii Xubnood Ee Dhinacooda u Matalaya Gudida Qaban Qaabada Shirwaynaha Xisbiga Ucid + Magacyadooda
July 27, 2016 - Written by Editor:

Garabka  Jamaal Cali Xuseen Oo Magacaabay Shantii Xubnood Ee Dhinacooda u Matalaya Gudida Qaban Qaabada Shirwaynaha Xisbiga Ucid + Magacyadooda

WARSIXAAFADEED;

UCID

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأة

27/0716

Ku: Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Faysal Cali Xuseen

Og Musharaxa Jagada Madaxwaynaha

Jamaal Cali Xuseen

Og Gudida Diiwaangelinta Ururada/K.S Xisbiyada

Sumad: Gx-3/04/16

Ujeedo: Magacabista Xubnaha Gudida

Qabanqaabada Shirwaynaha

Markaan arkay Heshiiskii Midnimada Xisbiga UCID ee ku taariikhaysan 12/07/2012

Markaan arkay Go’aamadii Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID ee ku taariikhsan 28/10/2012

Markaan arkay Go’aankii Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Iyo Kala Saaridda Xisbiyada Qaranka

Markaan arkay xaaladda cakiran ee khilaafka gudaha Xisbiga iyo baahida Xisbigu u qabo in sida ugu dhakhsaha badan uu Shirwaynaha aan caadiga ahayn ee Xisbigu u qabsoomo si gebi ahaanba loo soo af jaro khilaafka xisbiga

Waxan halka kuugu soo gudbinayaa liiska magacyada 5tii xubnood ee Gudida Qabanqaabada Shirwaynaha dhinaca Musharaxa Jagada Madaxwaynaha JAMAAL CALI XUSEEN

  1. Aaden Suld. Cabdiraxmaan Suldaan Diirye
  2. Xuseen Caynaan Faarax
  3. Xuseen Xasan Badmaax
  4. Aadan Cali Yoonis
  5. Cali Maxamed Xasan

Hadaba waxanu u aragnaa in wakhtigu cidhiidhi inagu yahay oon loo baahnayn in aynu lumino maalin keliya si Shirwaynuhu ugu qabsoomi karo 45 maalmood gudahood, sida ku cad go’aanka Gudida Diiwaangelinta. Waxan soo jeedinayaa in 10ka xubnood ee Gudida Qabanqaabadu ay fadhigooda ugu horeeya yeeshaan maalinta Sabtida 30/07/16

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Cali Maxamed Yussuf

G/xigeenka 3aad

 

COMMENTS
LINKS