WAJAALE NEWS

Xogo Kashifay Kulan Qarsoodi ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Cabdi Iyo Jamaal Cali Xuseen + Nuxurka Codsiyo Labadooda Dhinac Iswaydaarsadeen

Hargeysa(Wajaalenews)Dec.4,2016-Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa sheegaya in maanta galinkii danbe uu gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu  kulan la qaatay Jamaal Cali Xuseen.

Waxaana sida ay xoguhu noo sheegeen uu kulankan ka dhacay guriga uu magaalada Hargeysa ka dagan yahay Muuse Biixi Cabdi,iyaga oo kulankaasi uu ahaa mid ay jilbaha isku aasteen  .

Waxaana kulan uu ahaa sida naloo sheegay mid lagu naaqishayay sidii garabka Jamaal Cali Xuseen hogaaminayo  ay ugu soo biiri lahaayeen xisbiga KULMIYE kaasi oo lagu wado in ay dhawaan ku biiraan,sidoo kalena xogahan ayaa sheegaya in Muuse Biixi Cabdi ka dalbaday Jamaal Cali Xuseen inuu kulansiiyo cuqaal iyo waxgaradka Beshiisa

Dhanka kalena.waxaana sidoo kale naloo sheegay in Jamaal Cali Xuseen uu Muuse Biixi usoo bandhigay isna qorshe ah inuu heshiis ka dhex dhaliyo  isaga iyo Siyaasi Xasan Sabca oo kamid ah garabkan uu hogaaminayo,kaasi oo naloo sheegay inay dhexdooda taalay xurguf siyaasadeed oo soo  kala dhex gashay.

Xogahan noomay xaqiijin in Muuse Biixi Cabdi aqbalay codsigan uu ula yimi Jamaal,balse Xasan Sabca ayaa ay xoguhu noo sheegeen in uu ku gacan saydhay laba qodob oo uu ula yimi Jamaal kuwaasi oo kala ah in uu isa soo horfadhiisiyo isaga iyo Muuse Biixi isla markaana uu dhexdooda ka dhaliyo heshiis iyo in uu kula soo biiro xisbiga KULMIYE  kaasi oo uu hore u diiday Xasan Sabca.

Kulan la sheegay inay maanta wada yeesheen Muuse Biixi Cabdi iyo Jamaal Cali Xuseen  Ayaan la garanayn waxa uu ku dhamaaday iyo qodobada ay isla qaateen.

 

 

 

Exit mobile version