WAJAALE NEWS

Wasaarada Warshadaha Somaliland Oo 25 sanadood Kadib Diyaarinaysa Istaraatiijiyada Iyo Siyaasada Warshadaha.

HARGAYSA(Wajaalenews) -Wasiirka Wasaarada Wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse Ayaa Maanta Si Rasmi ah u Fhir Balaadhan oo looga Hadlayay Kor u Qaadista Iyo Odoroska Wershadaha Dalkan Somaliland Xiliyada inagu Soo aadan

Kulan kan oo lagu falan qaynayey sidii loo horumarin lahaa warshadaha dalka ayaa waxa lagu qabtey hotel Maansooor ee magaalada Hargaysa, waxana kulan kan soo abaabuley wasaarada warshadaha Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradaas mudane Shucayb Maxamed Muuse. Waxana kasoo qaybgalay qaar ka mid ah mas,uuliyiinta dawlada oo dhamaantood iska daba marey sida ay muhiim u tahay in la hourmariyo warshadaha dalka ,isla markaana looga yeelen lahaa qorshe iyo istiraajiad cad

Shirkan oo ku Qabsoomay Hotelka Mansor ee Magaalada Hargaysa ayaa waxaa kazoo qayb galay Qaar ka mid ah Wasaaradaha Qaranka, Sida Wasaarada Maaliyada,Wasaarada Qorshaynta Qaranka,Hayadaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Somaliland,Hayadaha Madaxa banana iyo Dawlada Hoose ee Hargaysa.

Wasiirka Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse oo kulanka ugu Horeyn Furay Ayaa Si weyn Uga Hadlay Ahmiyada uu Shirkani u leeyahay Qaranka isla markaana wuxuu sidoo kale wasiirku Farta ku fiiqay Qorshaha wasaarada Wershadaha ee ku Aadan Sidii loo tayayn Lahaa Dhamaanba Wershadaha uu Dalkan Somaliland leeyahay.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Wershadaha oo isaguna Kulanka ka hadlay ayaa kazoo qayb galayaasha u soo jeediyay Inay Aqoon Isweydaarsigani ka Faaiidaystaan Mudada uu socdo

Exit mobile version