WAJAALE NEWS

Garyaqaankii Guud Ee Xukuumadda Somaliland Oo Loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya.

Muqdisho (Wajaalenews) – Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa maanta laga qaaday xilka, waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka loo magacaabay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

  1. garyaqaankii Guud ee xukuumadda Somaliland ee hadda loo magacaabay guddoomiyaha maxkamdda sare ee Somalia Dr. Ibraahin Iidle Sulaymaan

Waa markii ugu horreysay oo Jagada laga qaado Garyaqaan Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf oo soo hayay xilkan muddo sannado ah, waxaana wararku ay intaas ku darayaan in mas’uulka cusub ee loo magacaabay gudoomiyaha uu hore u ahaa garyaqaanka guud ee xukuumadda Somaliland.

Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee Somalia, mud. Caydiid Ilko-xanaf

Madaxweynaha Somalia ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf, Waxaana xil ka qaadistiisa loo sababeeyay Da’diisa 85-sano gaadhay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo xil-ka-qaadista Guddoomiyhii Maxkamadda Sare ee dalka iyo inuu shaaciyo magacaabidda Guddoomiyaha cusub ee la magacabaay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

Exit mobile version