|
|||||
WAJAALE NEWS
Garyaqaankii Guud Ee Xukuumadda Somaliland Oo Loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya.
May 4, 2016 - Written by Editor:Muqdisho (Wajaalenews) – Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya, Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa maanta laga qaaday xilka, waxaana Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka loo magacaabay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.
Waa markii ugu horreysay oo Jagada laga qaado Garyaqaan Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf oo soo hayay xilkan muddo sannado ah, waxaana wararku ay intaas ku darayaan in mas’uulka cusub ee loo magacaabay gudoomiyaha uu hore u ahaa garyaqaanka guud ee xukuumadda Somaliland. Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee Somalia, mud. Caydiid Ilko-xanaf Madaxweynaha Somalia ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf, Waxaana xil ka qaadistiisa loo sababeeyay Da’diisa 85-sano gaadhay. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo xil-ka-qaadista Guddoomiyhii Maxkamadda Sare ee dalka iyo inuu shaaciyo magacaabidda Guddoomiyaha cusub ee la magacabaay, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan. Related posts:Daawo:Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xasan Oo Laga Hor Istaagay In Uu Deeq Dawooyin ah Gaadhs... Warbixinta Sirddonka Mareykanka Oo Lagu Sheegay In Madaxweynaha Ruushku Uu Rabay Sidii Uu U Caawin L... Daawo-Dib u Xasuuso Qiimee Shirkii Hoodaale Iyo Ergaddii Lagu Casuumay Septem 2013 iyo Kaftankii Ma... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|