“Waxa jira Arimo La Walhinaayo Oo Uu Wado Nin Dibad joog Ah oonan Magacaabaynin, baayac mushtarina ah oo Cadaw ku ah jabuuti Halkana Lagusoo Dhextuuraayo in ay Labada Shacbi Iskugu Dhacaan, adeer Lanagu Soo Dhextuuri Maayo baanu Leeyahay,isaga iyo cida lawada, in jabuuti iyo somaliland coloobaan.oo ay kamid yihiin xataa ragii barigii dhawayto aduunka wax walba way dhacaane saldanada subeer awal fara faraynayay.baa hadana xagan kale faltigeeda aynu ka dareemaynaa wax ugu jiro garan maynee!!!.SULDAAN XASAN
“Shacbiga Jabuti iyo somaliland waa walaalo cid isku diri kartaa majirto cid dhex gali kartaana majirto cid maanta halkan somaliland dhexdeeda colaad uga samayn kartaana majirto inta aanu nool nahay”,SULDAAN XASAN
HARGAYSA(Wajaalenews) Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada hargaysa ayaa ka hadlaya arimo xasaasiya oo ku saabsan maalgalintadekeda berbera, gancsade la sheegay in uu cadow ku yahay dalka jabuuti oo ay mudooyinkii udanbeey ay wadaan sidii uu dalka u iman lahaa xubno kamida xisbiga kulmiye.
Sidoo kale suldaanka guud eebeelaha subeer awal ayaa raaligalin ka bixiyay weedho deelqaafa oo lagu ganay dalka jabuuti.
https://youtu.be/FktZmY1BKy8