WAJAALE NEWS

Mareeyaha Tv-ga Qaranka Oo Xabsiga Dhigay Wariye Ka Tirsan Tvga Qaranka Iyo Sababaha Loo Aanaynayo.

Mareeyaha tvga qaranka ayaa u muuqda mid shaqaalaha wasaarada intii xulufo la,lahayd wasiirka warfaafinta si dadban u erayay.

Hargyasa(wajaalenews)Maareeyaha Tvga Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas ayaa lagu soo waramayaa in uu xabsiga u Taxaabay Wariye Ridwaan Caydiid Ismaaciil Oo Ka Mid ah Wariyayaasha ka hawl-gala Tvga Qaranka.

 

Ma cada Sababta dhabta ah ee lagu xidhay wariyahan  balse warar xog-ogaal oo ku dhaw tvga qaranka ayaa sheegaya  in wariyahan xadhigiisu uu ka danbeeyey ka dib markii ay dhawaan isku dhaceen wariyahan la xidhay  iyo ku xiggeenka Madaxa
Wararka ee Tvga Qaranka Somaliland Cali Caano Dhame .

Goor dhawayd ayaa maareeyaha Tvga Qaranku ku amray ciidamada ilaalada Wasaarada Warfaafinta in ay xidhaan wariye Ridwaan Caydiid Ismaaciil una dhaadhicaan Saldhiga Daloodho sida ay noo sheegeen dad goob joogayaal ahi

Wariye Ridwaan Caydiid Ismaaciil ayaa ka mid ah wariyayaasha dhanliyarada ah ee ugu fir-fircoon tvga qaranka somaliland waxaana uu badanaa ka soo warbixiyaa fadhiyada ay yeeshaan golaha Baarlamaanka  ee somaliland .

Xadhiga wariyahan ayaa ku soo beegmaya xili laga joogo wakhti kooban khilaaf soo kala dhex galay wasiirka wasaarada warfaafinta ee somaliland C/laahi Cukuse iyo Maareeyaha Tvga Qaranka Khadar Cali Gaas kaas oo sababay in wasiirku ka joojiyey shaqadii uu ka hayey tvga qaranka somaliland isla markaana khilaafka labada masuul uu gaadhay xarunta dalka looga arimiyo.

Mareeyaha Tv-ga Qaranka Ayaa Umuuqda Mid Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta si Dad-ban Cagta Umarinayo.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version