WAJAALE NEWS

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Digniin U Diray Madax Dhaqameedka Somaliland Iyo Maamulka Xamar

Hargaysa(W,N)- wasiirka wasaarada arrimaha gudaha somaliland mudane Cali Maxamed Warancade oo socdaalka shaqo ku jooga dalka kenya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga digay dhamaanba madaxdhaqameedka dalka Somaliland inaanay ku milmin Shir qoolada laga maleegayo maamulka taagta daran ee somaliya.

warsaxaafadeedkaasi oo dhamays tiirana waxa uu u qornaa sidan hoose:-

“Shirqoolka ka Socda Xamar ee la doonayo in lagu waxyeeleeyo Qaranimada Somaliland waa mid Ummada Somaliland ay ka digtoon yihiin .

Waxaana wax lala yaabo ah in Maamulka Muqdisho ku hadaaqo in Somaliland ka mid tahay doorasho ku sheegta maamulka taagta daran ee Somaliya loo qabanayo 2016 arrimahaas oo ah mid caal waa ah .

Haddaba waxaa looga digayaa dhamaanba Madax-Dhaqameedka Somaliland in aan lagu khaldin ama aanay ku dhicin dabinnada ay maleegayaan Maamulka taagta daran ee muqdisho.

Waxa lagu war galinayaa cidii ka qayb qaadata shirqoolada laga maleegayo xamar inay la kulmi doonaan ciqaab adag iyadoo lagu qaadayo khiyaamo Qaran.

Qarankan Somaliland waa Qaran gaamuray oo aan cidina hungurayn Karin kuna guulaystay inuu xaqiijiyo Midnimadiisa iyo Horumarkiisa

 

ALLAA MAHAD LEH.

 

CALI MAXAMED WARAN-CADE

WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

Exit mobile version