WAJAALE NEWS

DAAWO Muuqaalka; Askari Katirsan Ciidanka Somaliland Oo Si Arxandaro Ah Ugaraacaya Wiil Dhalinyaro Ah Xadka Magaalada Tog Wajaale.

TOG WAJAALE(W,N)-Askari Katirsan Ciidanka Booliska Somaliland Ayaa Sida muuqaalkan Idiinka muuqata si Arxandaro ah Ugaraacaya Wiil Dhalinyaro ah Oo Isku Dayay In Uu Kasoo Gudbo Xadka Udhexeeya Somaliland iyo Itoobiya Ee magaalada Tog Wajaale.

Sidoo kale  Askarigan ayaa doonaya wiil dhalinyarada ah in uu Dib Ugu Celiyo Ciidanka Itoobiya oo marka hore u soo dhaafay.

Waa dhacdadii ugu horaysay ee intii dawlada itoobiya ay si rasmi uxidhay xadka ay la wadaagto Somaliland oo shacab badan oo isku socon jiray caqabad ku noqotay.

Dhanka kale Dadaaladii Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Ku Waday Waxka Badalka Anshaxa Askarta Somaliland Ayaan Wali Waxba ka Hirgalin Wallow Uu Taliye Dabagale Dhowr Askariga oo iyaga shacabka dhibaatayana muuqaal laga soo duubay uu talaabo shacabka soo dhaweeyeen ka qaaday.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA ARGAGAXA LEH IYO SIDA UU ASKARIGANI WIILKA DHALINYARADA AH UGARAACAYO;

Exit mobile version