WAJAALE NEWS

Xukuumadda oo Maxkamadda horkeentay ninkii Al-shabaab ka tirsanaa ee Xidh xidh lagu soo qabtay.

Hargeysa(Wajaale News):-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay saaka horkeentay maxkamadda Gobolka Hargeysa C/laahi Maxamed Axmed (Carabay) oo lagu eedaynayo inuu ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab.
Fadhigii ugu horeeyey ee saaka ay Xeer ilaalintu horkeentay carabay maxkamadda waxaanay ku Eedaysay in uu Al-shabaab ka tirsan yahay isla markaana ku eedaysan yahay Argagixiso.
Carabay oo ay Maxkamaddu weydiisay Eeda loo jeediyey in uu qabo iyo in kale ayaa sheegay in uu Al-shabaab ku biiray 2009-kii balse waxa uu sheegay in uu ka baxay 2010-kii.
C/laahi Carabay waxa uu ku dooday in uu sadex sano ku sugnaa magaaladda Muqdisho oo ku noolaa, markii uu ka yimid na muddo shan bilood laga joogo uu ku sugnaa deegaankna Xidh xidh ee lagu soo qabtay.
Fadhigii Maxkamadda ayaa la xidhay kadib markii ay dhagaysatay Eeda Xeer ilaalilnta iyo Difaaca C/laahi Caaray.
Dhinaca kale, Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hada soo bandhigin nin kale oo ay ku Eedaynayso Al-shabaab, kaasoo ay maalin dhaweyd ka qabatay gudaha Laascaanood isagoo gaadhi ku dhex wata.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version