Hargaysa (W.N): Iska horimaad ayaa ka dhex dhacay dadka deegaanka qoolcaday ee degmada Salaxlay iyo ciidamada booliska Somaliland
Iska hor imaadkan ayaa ka dhashay kadib markii wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ay maanta geeyeen deegaankaasi Riig biyood.
Iska horimaadkan dadka deegaanku ay kala horyimaadeen Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhaawac ah , iyada oo ay dhaawacmeen dad tiradoodu tahay shan qof kuwaas oo ka soo kala jeeda labada dhinac ee iska horimaadku dhex maray, waxaana dhaawaca loo qaaday cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa halkaas oo lagu daawaynayo.
Xukuumada Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday mashruuc ay ku xidhayso banka qoolcaday,waxaana mashruucan ka hadlay todobaadkii u dambeeyay qaar ka mida siyaasiyiinta ka soo jeeda deenka qoolcaday. iyo dadweynaha degan deegaankaaasi oo cabasho ka muujiyay