WAJAALE NEWS

MARXUUM Sh. Khaliif: Caalim Halgamaa ah iyo Halyey Guurtinimo!!! W/Q: Xuseen Badhaani

AHUN, Sheekh Khaliif Sheekh Xassan Gudaal ayaa Xalay ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa isla Markaaana Maanta lagu Aasay Xabaalaha Xeedho.

Sheekhu Waxaa uu ka Mid ahaa 12 kii Nin ee Aasaasay Guurtidii ugu Horeysay SNM, iyo Golaha Guurtidan JSL. Bilowga Halgankii Hubayasnaa ee SNM ee ayuu Sheekh Khaliif ka bilaabay Deegaanka Xarshin, Dibiile iyo Durya inuu dadka Wacyigaliyo isla Markaanu u abaabulo si ay ugu qaybqaataan Dagaalka lagaga soo hor-jeeday Xukuumadii Milatariga ahayd.

Waxaa kale oo Sheekh Khaliif waqtigaa ka shaqaynayey isku soojiidka iyo isku xidhka dadkii markaa kuwada jiray Halganka waxaanu iskaga dabqaadi jiray Baal-dhaye, Samatar Axmed, Gaashaamo, Darroor, Awaare, Abokor, Xarshin, Dibiile ilaa Durya, isagoo aan Marnaba ka daalayn Hawlaha Dib-u-xoreynta.

Badhaani32 kii sanadood ee ugu dambeeyey waxuu ku jiray Shaqada Guurtinimo isaga ka soo qaybqaatay Halgankii, Nabadayntii, iyo Dib-u-dhiskii Waddanka JSL, isaga oo imikana ahaa Xildhibaanada fara-ku-tiiriska ah ee ka sii noollaa Guurtidii Xulka ahayd ee lagu soo dooray Boorama.

Dhanka kale Sheekh Khaliif waxa uu ahaa Caalim weyn oo dhanka diinta ah oo Maamuus iyo qadarin badan ku lahaa geyiga JSL. . Caalimnimidiisu may ahayn inuu Diinta yaqaano oo qudha laakiin waxay ahayd mid uu uga faaiideeyey oo saamay dhaba ku yeelataya Umaddiisa.

Sheekh khaliif Wuxuu llaahay ku Manaystay Astaamo badan oo Wanaagsan oo ay adag tahay in qof koobsado. Xildhibaanku Wuxuu ahaa : Hawlkar, Halgamaa, Hadal-yaqaan Cod kar ah, Dhaqan-yaqaan, Caalim diineed, Naftii hurre ah.

Ilaahay Samir iyo ha ka siiyo dhaamaan Dawlada iyo shacabka Reer Somaliland, Gaar ahaan Golaha Guurtida iyo qoyskii uu ka baxay, Ilaahay ha ka abaal Mariyo Wanaagii iyo Waxqabadkii uu usoo galay Waddankiisa iyo Shacabkiisa Reer Somaliland.

Ilaahay ha u Naxariisto oo ha ka Waraabiyo Janooyinkiisa, Aamiin Aamin.

W/Q Xuseen Cabdi Cali Badhaani

Exit mobile version