WAJAALE NEWS

Doorashada Somaliland Saameyn Ma Ku Yeelan Kartaa Wadamada Geeska-Afrika?. Qalinka: C/Raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Halkaa waxa ku in aaney jirin wax saameyn ay wadamadaasi ku yeelan karaan doorashadeena marka laga joogo dhinaca Taban

 

 

Mandaqada  xaas-xaasiga  ee  aan  ku  nool  nahay  ee  Geeska-afrika   waa  bar  ka  tilmaaman  afrika  inteeda  kale  yadoo  ku  mudatey  hanaan  wanaaga  dimuqraadiyada,  Kuwaasi  oo  inta  badan  dawladnimadoodu  ku  dhisan   tahay  hab  casriya  oo  xasilooni   iyo  kalsooni  ay   dunidu  ku  qabto   marka  laga  tago  Aafooyinka  ku  habsadey   Dawlada  federaalka  Soomaaliya  oo  geeska  ka  mid  taasi  oo  colaado  ka  hurayeen  muddo   hada  laga  joogo  ilaa  Todoba  iyo  Labaatan  Sanadood.

Balse  inteeda  kale  waxay  caan  ku  tahay  mandaqadani  hir-galinta  dimuqraadiyad  iyo  hanaanka  caalamiga  ee  dawladuhu  u  shaqeeyaan  waliba  yaga  lagu  ixtiraamo,  Mandaqadani  xataa  waxaa  ku  taala   Xarunta  Guud  ee  Midawga  Afrika  (A,U),da  waana   meelaha   aad  ka  looga  daneynayo  habsami-u-socodka  dimuqraadiyada  iyo  doorashooyinka  xalaasha ah  ee  ka  qabsooma   Qaranka  Jamhuuriyada  Somaliland,  Inta  badana  waxay  naawilayaan  iney  xasilooni  ,  xalaal  iyo  si xormo  leh  u   qabsoonto.

Halkaa  waxa  ku  in  aaney  jirin  wax  saameyn  ay  wadamadaasi  ku  yeelan  karaan  doorashadeena   marka  laga  joogo  dhinaca  Taban  oo  muhiimadu  yada   tahay, Waxaan  raadinaa  waa  aqoonsi  kaasina   maanta  waxa  lagu  xidhey  doorashadeena  Wadamada  ugu  tunka  weyn  Afrika  Iyo  Geeskuba  waxay  inagala  shaqeynayaan  xasiloonida   ama  amaanka   mandaqadan  Sida  Itoobiya  oo  yadu  talooyin  iyo  garab-istaag  badan  inala   garab  gashey  oo  jaarnimadu  yada  ay  ka  dhab  tahay oo  Qaranka  Somaliland   Si  ula   saaxiib  ah   waayo   waa  dalka  kaliyaatee  Somaliland  Ku leh  Safaarad  ama  qunsuliyad

Doorashada   sanadkan  qabsoomeysa  ma,aha  mid   saameyn  ama  raad  ku  reebaysa  geeska  ama  afrika  inteeda  waa  mid  lanagu  tijaabinayo  yadoo  afarta  gees  laynaga   taageerayo  oo  jaarkeena   iyo  besha-caalamku  indhaha  inagu  hayaan,  Markaa  waxay  hada  u  muuqataa  in doorashadani  tahay  tii   maandeeq  ku  curan  lahayd  haday  tahay  dhinacyada  furanka  albaabyada  caalamka,  maal-gashiyada,  iyo  iib  gaynta  qadiyadeena  muqadiska  ah  ee  somalilandnimada   iyo  jiritaankeena.

Waa  sunne  dawladnimo  oon  kaga  dayanayo   wadamadan  jaarerkeena  oo  yagu  aan   nahay   saaxiibo  dhaw  marka  laga  reebo  Dawlada  Federaalka  Soomaaliya  oon  yada  isu   hayno   amuuro  la  xidhiidha   qadiyada  qaranimadeena,  Markaa  dhamaan  duwelka   jaarka   war-war  inagama  hayo  xageena  iyo  xagoodaba   waayo  waan  wada  soconaa,  waxaan  wada  doonaynaa  xasiloonida  mandaqadeena  dhamaanteenba  markaa  waxaynu  nahay  isu  meel  iyo  umado  is-leh.

Doorashada  dhawaan  ka  qabsoomaysa  Somaliland  ma  gudbinayso  fariin  qaldan  oo  mandaqada  balse  waaa  fariin  ka   turjumaysa   qaan-gaadhnimada   dawladnimo  ee  qarankani  ku  talaabsadey  mudadii  uu  dhisnaa,  Hadana  lagu  cabirayo  qaabka  jaarka  iyo   caalamkuba  ula   macaamilayo  markaa  waxaan  leenahay  walaalayaal  hadii  aan ku  guulaysano  tijaabadaa  nagu  taageera  an-sixinta  gooni  isu  taaga   qaranimada  Jamhuuriyada  Somaliland  ee  ku  taaba-gashey  dhamaan   waxyabaasi  aan  soo   taabaney.

 

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid   Faarax (Jeesto)

Diplomatic  Annalism.

Gabiley  /Somaliland.

Exit mobile version