WAJAALE NEWS

Maxaa Qaldan Ee Ay Somaliland Ugu Guulaysan Wayday Ictiraafka Beesha Caalamka?

Haddii aad doonayso inaad hawl qabato waxaad ubaahantahay aqoonteedii, sida tusaale ahaan hadaad doonayso inaad geel maasho

Somaliland waa dal ay udhamaystiran yihiin dhamaan waxyaabihii looga baahnaa in dawlad lagu aqoonsado, laakiin nasiib xumo ilaa imika aqoonsi may helin.

Maxaa qaldan kolkaa?

Fikirkaygan yar ee kooban haddii aan ku cabiro waxyaabo badan ayaa qaldan,

habka loomaray ictiraaf raadinta Dalka .

Dadka loo diray oo aan laqiimayn aqoontooda ay uleeyihiin waxay raadinayaan?

Dhaqaalaha loogu talagay ictiraafraadinta oon looqorshayn?

Xukuumada lafteeda oo ayna ka daacad ahayn raadinta ictiraafku, anigu sidaan isleeyahay?

Haddii aan ku horeeyo dadka loodiray.

Haddii aad doonayso inaad hawl qabato waxaad ubaahantahay aqoonteedii, sida tusaale ahaan hadaad doonayso inaad geel maasho, waa inaad aqoonteeda leedahay, balse haddii aan aqoonta maadiga ah meel sare

ka gaadhay oonad aqoonba ulahayn habka geela loomaalo . taasi macnaheedu maaha ninkani aqoon ayuu leeyahay ee geela hamaamlo, la soco oo adii waxaad leedahay aqoon  laakiin geelu wuxuu ubaahanyahay aqoontiisa gaarka ah.

Hadii aan u imaado habka loomaray .

Habka loomaray waa qaldan yahay fikir ahaan waayo , waa in ictiraafka laga raadiyaa wadankii aynu kala go’nay ee Somaliliya maaha in laga raadiya caalamka kale.

Xukuumadu daacad maaha ayayaan isleeyahay waayo albaabo qaldan ayay garaacaysaa ee albaabkii ictiraafka Somaliland ma qaraacayso.

Exit mobile version