Cabdi Xasan Buuni Alle ha u Naxariisto e Taariikh nololeedkiisa oo kooban ayaan idinla wadaagi doonaa.
19-12-1935 kii ayuu ku dhashay magaalada Borama ee gobolka Awdal.
1946 kii waxa uu dugsiga hoose kaga baxay magalada Borama.
1948 kii waxa uu ka baxay dugsigii dhexe ee sheekh.
1953 kii waxa uu koorso maamulka iyo maareynta ah ku soo qaatay magaalada Caddan ee dalka Yemen.
1954 ilaa 1956 waxa uu ka mid ahaa ciidamadii ingiriiska ee Somaliland scouts.
1957 ilaa 1958 waxa uu ahaa isuduwaha xafiiska maamulka ee deegamada Hawd and Reserve Area ee Awaare.
15-11-1958 waxa uu xisaabiye guud ka noqday magaalada Hargeisa.
Gobanimo doonkii iyo axsaabtii barigaa waxa uu watay xisbigii la odhan jirey USP
1960 kii waxa uu ku biiray barlamaankii uu horeeyey ee Somaliland.
1-July-1960 kii waxa uu noqday markii la isku biiray Raisal wasare kuxigeenkii Jamhuuriyadii Somalia.
1964 kii waxa dib loogu doortay in uu ka mid noqdo barlamaankii jamhuuriyadii somalia.
1969 kii waxa uu noqday madaxa mashruucii Golweyn ee muuska shabeelaha hoose, ka dibna waxa dhacay afgambigii ciidamadu talada kula wareegeen, markaasi ayuu isaga fadhiistay siyaasada.
1982 ilaa 1984 kii waxa uu ahaa madaxii shirkadii sameynta qalabka beeraha ee ( AITCO ).
1985 ilaa 1990 kii waxa uu ahaa madaxii shirkadii kalluumaysiga ee ( AFCO )
Waxii ka dambeeyey burburkii Jamhuuriyadii Somalia waxa uu ku lug lahaa hawlihii nabadaynta iyo islaaxa umadda.
1995 ilaa 1997 waxa uu ahaa gudoomiyihii nabadeynta ee Somaliland.
2002 waxa uu ka mid noqday xisbiga kulmiye markii la aasaasay, waxaana jagada Madaxweyne kuxigeenka ay ku wada tartameen Cabdiraxman Aw Cali Faarax iyo Dr Mohamed Rashid sh Hassan, waxaana ku guuleystay Cabdiraxman Aw cali. Isla sanadkaa gudihiisa ayuu cabdi xasan buuni ku biiray xisbigii udub.
2003 waxa uu ka mid noqday xukuumadii ugu horeysay ee uu soo dhiso Madaxweyne Rayaale, waxaana uu ahaa wasiirkii xidhiidhka goleyaasha ilaa 2 June 2009 kii oo uu geeriyooday.
Alle ha u naxariisto e Cabdi Xasan Buuni waxa ay ku sifeeyeen dadkii ay aqoonta isku lahaayeen in uu ahaa shaqsi had iyo goor maslaxada ummada ku hawlan oo dantiisa ka horumariya ta guud, isaga oo aan mucarid iyo muxafid u kala eegayn.
Cabdi Xasan Buuni Alle ha u naxariisto e waxa uu ahaa shaqsi hal abuurka ganacsiga ku wanaagsan waxaana uu lahaa ee Hutelkii duleedka muqdisho ee Buuni Hutel iyo waliba hutelka caanka ah ee Faras magaalaha Borama ee Harawo Hutel oo la dhisay 1962kii.
◾ Taariikhda badh waxa aan ka soo xigtay shabakada longlive Somaliland iyo kaabid aan ku sameeyey.
Waxa aan Taariikhda marxuun Cabdi Xasan Buuni ku darayaa oo aan markhaati ka ahaa dardaaran adag iyo garnaqsi adag oo uu la galay wakhtiyadii somalia loo doortay Cabdilahi Yusuf oo mudaharaad ka dhacay Borama dhalinyaro la soo baxeen calanka Somalia.
Waxa aan daawaday isaga oo leh waa Reer Awdaloow Xamar maxaa idinka yaalla hadaad taariikhda haysaan ninka idiinku weyn ee somalia xil ka qabtay aniga ayuu ahaa.
Waxa aynu ku lahayn laba kursi siyaasadeed oo markii Afwayne inqilaabay uu mid qaatay, maanta Somaliland idinka ayaa ka Madaxweyne ah waxa aad ku leedihiin dhowr iyo soddon xubnood oo goleyaasha qaranka ah Golaha/wasiirada/Wakiilada/Guurtida.
Agaasimayaasha iyo madaxda kale tiro malaha, hadii aad Xamar taqaaneen Borama waxa ay u jirtaa in ka badan 1650 km oo ismaba gaadhno, maanta Hargeisa iyo Borama inta ay isku jiraan waad taqanaan ganacsigeena yaalla, daaraha quruxda badan waxa laga dhisay ganacsigaa.
Idinka oo og qurba jooga reer Awdal waxa ay ku hadlaan iyo xaqiiqadu sida ay u kala duwan yihiin miyaanay foolxumo iyo ceeb aheyn in waxani oo kale dhacaan?
Reer Boramoow cida aad wax wada lahaydeen, hadana aad wada leedihiin ee aad wax isku tihiin waa reer Somaliland yaanay dhicin waxaasi oo kale.
Ilaahay ha u naxariisto e dardaaran dheer oo adag ayuu Hutel Rays ka jeediyay isaga oo cadhaysan, waxa aan xasuustaa hadda wakhtigaa mucaaradka xukuumadii Dahir Rayaale wuu adkaa iyo waliba isaga oo Kulmiye oo uu tacab galiyey isaga oo aan fileyn lagaga guuleystay.
Muu aheyn shaqsi caadifadaha iyo culaysyada siyaasadeed ee dalka ka jiraa wax ka badalaan.
Alle ha u naxariisto
QALINKII; Muhamed Dhimbiil