WAJAALE NEWS

Gudoomiye kuxigeenka Xisbiga Ucid Muj Cali Guray Oo Si Adag Uga Hadlay Khilaafka Ba,an Ee Xisbigooda Iyo Qoraalada Ay Dabayshu Sidato Ee Kasoo Baxaya faysal Cali Waraabe.

Nafta Golalaheediyo Hadii Galowda Lays Taabto

Geestayda wWaa fule ninkii Gaar u faashadaye

Guri ba’ayna waa Cadow ninkii Raarta sii Guraye

Gobanimona wWaa Guus Ninkii Gawska Dhaafsaday

 UJEEDO: WAR MURTIYEED

Waxan marka hore ka salaamayaa dhamaan bahwaynta xisbiga UCID gudo iyo dibadba. Mar labaadka inta aan ogayn xaqiiqada khilaafka UCID waxan u sheegayaa in xisbiga UCID lagu soo duulay oo la doonayo in la burburiyo oo loo sadqeeyo xisbi kale. Qodobka tiirka u ah qorshaha burburinta UCID waa in la tirtiro heshiiskii badbaadinta UCID oo ah arinka salka u ah soo bixitaankii xisbiga xiligii tartanka doorashada Dawladaha Hoose iyo dhamaan go’aanadii ka soo baxay Kalfadhigii 5aad ee Golaha Dhexe xisbiga ee magaalada Hargeysa ku qabsoomay bishii Ocktobar 2012kii iyadoo oon haba yaraato eh wax texgelin ah la siinayn Xeerka Xisbiga. Dhamaan talaabooyinka uu qaaday Gudoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Xuseen intii khilaafkani soo if baxay ayaa dhamaantood ka horimanayaan Xeerka Xisbiga, Go’aamadii Golaha Dhexe iyo shuruucda dalka sida Xeer Lam14 iyo Xeer Lam 21.

Sidaa daraadeed waxan halkan ku cadaynayaa:

– In dhamaan qoraalada dabayluhu sitaan ee ka horimanaya Xeerka Xisbigu ay yihiin waxba kama jiraan

– In aanu jirin xil uu ii magacaabay igana qaadi karo Gudoomiyuhu oo aan u hayay ama u hayo Xisbiga UCID

– In xilkii uu ii igmaday ama ii doortay Golaha Dhexe ee Gudoomiye Xigeenka 3aad aan weli u hayo cid kale oo sharci ahaan loo magacaabi karo ama sheegan kartaan ay ka horimanayso Xeerka xisbiga talaabo sharciga waafaqsanna laga qaadi doono goorteeda

– In aanay jirin haba yaraato eh xibin UCID ah oo wayday xibinimadeedii dhamaan qoraalada ay faafinayaan shakhsiyaadka ku andacoonaya inay yihiin Guddi Anshax marineed balse iyagu noqon doona kuwa la anshax marindoonaa ay yihiin waxba kama jiraan.

– In dhamaan Bahwaynta UCID oo ay hormood ka yihiin Kaadariinta xisbigu ay u taagan yihiin heegan buuxana ugu jiraan inay fashiliyaan qorshaha iyo dabinada loo soo qoolay xisbigood ee la doonayo in loo sadqeeyo xisbi kale waana difaac ee weerar maaha xaqna way u leeyihiin inay is difaacaan waanay is difaaci karaan qiimo kasta ha ku tagto eh si ay Xisbigooda u badbaadiyaan

Sidaa daraadeed, waxan leeyahay bahwaynta leeyahay dadwaynaha iyo bahwaynta UCID ha ku wareerina qoraalada beenta ah ee loogu talogalay qiiq isku qarinta ee shakhsiyaadka faro ku tiriska ah loo adeegsanayo burburinta UCID xil kasta uu hayo iyo meel kasta uu joogo. Kuwaas oo fariinta aan halkan uga dirayaa tahay:

NAFTA GOLALAHEEDIYO HADII GALOWDA LAYS TAABTO

GEESTAYDA WAA FULE NINKII GAAR U FAASHADAYE

GURI BA’AYNA WAA CADOW NINKII RAARTA SII GURAYE

GOBANIMONA WAA QUUS NINKII GAWSKA DHAAFSADAY

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Cali Maxamed Yussuf

Gudoomiyaha 3aad

Xisbiga Xisbiga Ucid

Exit mobile version