WAJAALE NEWS

Kaalin Intee Leeg Ayay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Ku leedahay Hurinta khilaafka Xisbiga Ucid Kala Irdheeyay? Qormada 1Aad

Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Garnaqii Khilaafka  Xisbiga Ucid Ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare U Gudbiyay Dr Aadan X Cali  Iyo Go”aankii Gudoomiyihii Hore Ee Yuusuf Cismaan Cali  Ka Soo Saaray 11/9/2011?

Hargaysa(Wajaalenews) Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Garnaqii Khilaafka  Xisbiga Ucid Ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare U Gudbiyay Dr Aadan X Cali  Iyo Go”aankii Gudoomiyihii Hore Ee Yuusuf Cismaan Cali  Ka Soo Saaray 11/9/2011? Maxaase Sobobay Khilaafyada Cakiran Ee Xisbiyada Siyaasada Ku Soo Noqnoqda Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo ? Ma Jiraan Xeelado Ku Lamaan Iyo Faro Galin Xukuumada Siiraanyo Ku Leedahay hurinta Khilaafkooda ? Hadayna Jirin Faro Galin Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Ku Hayso? Xisbiga Ucid Ma Jiraa Gurmad Ay Xukuumada Siiraanyo U Samaysay Oo Ay Isku Dayday In Ay Xaliso Khilaafka Xisbiga Ucid ? Go”aanka Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ka Soo Saaray Khilaafka Xisbiga Ucid Ma Yahay Mid Sharciyada Waafaqsan ? Ma Jiraase Qareeno Iyo Sharci Yaqaano Ka Hal Celiyay ? Haday Maxkamada Sare Aanay Lahayn Fulinta Iyo Daba Galka Go”aanada Ay Soo Saarto Yaa Leh Fulinta Iyo Daba Galka Go”aanada Maxkamada Sare ?

Diwaanka Taariikhdu waa mid furan Qalinkuna waa mid u diyaara in lagu Qoro dhacdooyinka Maalinlaha ah ee Qadarka Eebe ku socdo iyadoo Qarniyo iyo Sannado danbe Diiwaanada Taariikhda lagu xusi doono Masuul kasta Mudo Xileedkiisa wixii Dalka iyo Dadka uu xukumo ka dhacay  iyadoo dhamaan Masuuliyiintaa Xukunka haya ay barbar joogaan Qorayaal Eebe ku ilhaamiyay in ay Diiwaanka Taariikhda ku qoraan hadba Masuulka ay goob joog u yihiin si Jiilka danbe uga Faa”iidaysto iyadoo Qormooyinkan  Shabakada Wajaalenews.net Tooshka  ku qaban doonta Taariikho sugan iyo Marxaladihii uu soo maray Khilaafka Xisbiga Ucid iyo Waqtigii uu bilaabmay .

Sida ku sugan Taariikhda Geedi socodka Dimuquraadiyada S/land waxaa hubaala in Xisbiyadii Udub iyo Ucid ee ku guul daraystay Dorashadii Madaxwaynaha ee dalka ka qabsoontay 26/6/2010 ay dib ugu soo jeedsatay Xukuumadii ka guulaysatay ee Madaxwayne Siiraanyo Hogaaminayay iyadoo Diiwaanka Taariikheedku ka marag kacayo in Dagaalka Xukuumada Siiraanyo ku qaaday Xisbiyada Siyaasada aanu ka badbaadin Xisbigii Kulmiye ee ay ku Abtirsanaysay ama Xisbi Xaakimka ahaa oo aanay Dagaalkiisa yaraysan iyadoo Badhtamihii Sannadkii 2011 Dagaalkii koowaad Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ay ku bilawday Xisbiga Ucid bal aynu dul joogsano Maalmahan isku beegan iyo Khilaafkii u horeeyay ee ka dhaca Xisbiyada Siyaasada S/land ee gaadhay ilaa Dacwad loo gudbiyo Maxkamada Sare.

1:31/7/2011 Garabkii isbadal doonka Xisbiga Ucid ayaa dacwad u gudbiyay Maxkamada Sare Garabkan oo ka koobnaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Cirro , Gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Xisbiga Ucid Alle ha u Naxariistee Aadan Mire Waqaf , Xoghayihii Guud ee Xisbiga Ucid Waqtigaa Muuse X muxumed Guuleed (inji)  iyo Xubno badan oo kale .

2 : 31/7/2011 Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ku eedeeyay in ay faro galin ku hayso Xisbiga Ucid .

3: 31/7/2011 Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa Ansixiyay Xeerka Furashada Ururada Siyaasada .

4: 26/8/2011 Maxkamada Sare ee Disrooriga ah ayaa gudo gashay Dacwada Xisbiga Ucid iyo labada Garab ee Xisbiga Ucid iyadoo ay goobjoog  ka ahaayeen dhagaysiga Qareenada u doodaya labada garab iyadoo Gudoomiye Faysal uu Qareen u ahaa Maxamed Jaamac  halka Garabka Gudoomiye C/raxmaan Cirro uu Qareen u ahaa Barkhad Jaamac Aar .

5:11/9/2011 Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Distooriga ah Yuusuf Cismaan Cali ayaa Go”aan ka soo saaray waxaanu Xisbigii Ucid u xukumay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Iyadoo Dadka Arimaha Siyaasada sida joogtada ah ula socdaa ku tilmaameen Xukunka Maxkamada Sare mid Xaal mastuura oo Labada Garaba Fursado ay haysteen mar hadii Ururadii Siyaasada la furayay halka Taariikhdu ka marag kacayso in Gudoomiye Faysal ay u hiiliyeen Suldaanka guud ee Beelaha S/land Sulldaan Maxamed Sulldaan Cabdi Qaadir iyo Samo talis Xaaji Cabdi Waraabe .

Mar kale waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa kala Duwanaanshaha Siyaasadeed ee Xukuumadii Udub iyo Xukuumada Kulmiye ee Talada haysa waxaana Xusid gaara mudan in Madaxwayne Ku Xigeenkii hore ee Axmad Yuusuf  Yaasiin isagoo ka duulaya Siyaasadii Xukuumadii Udub ee ahayd Ilaalinta Geedi Socodka Dimuquraadiyada iyo Xisbiyada Qaranka uu daaway kari waayay khilaafka Labada Garab iyo Dacwada Xisbiga Ucid ku jiro bal hada aynu dull joogsano Talaabaduu qaaday Madaxwayne ku xigeenkii hore Axmad Yuusuf Yaasiin  .

6: 29/9/2011 Madaxwayne ku xigeenkii hore Axmad Yuusuf Yaasiin ayaa u saaray Khilaafka Xisbiga Ucid gudi Shan xubnood ka kooban oo dhexdhexaadisa iskuna soo dhawaysa Labada Garab ee Xisbiga Ucid Shanta Xubnood oo kala ahaa .

Cabdi Haybe Maxamad Wasiirkii hore ee Caafimaadka Xukuumadii Udub

Axmad Yaasiin Sh Cali Ayaanle  Xilldhibaanadii Golaha Wakiilada ee ka soo baxay Xisbigii Burburay ee Udub

Cali Maxamad Warancade  Wasiirkii hore ee Wasaarada Duulista iyo Hawada Xukuumadii Udub

Maxamuud Siciid Maxamad Masuul hore uga tirsanaa Xisbigii Udub

Maxamad Cabdi Daa”uud Badhasaabkii Gobolka  Maraadi Jeex Xukuumadii Udub

Gudidan oo isla Maalintiiba Waanwaanta ka dhex Bilawday Labada Garab ee Xisbiga Ucid Labada Garabna ee is khilaafayna ay soo dhaweeyeen waxay Gudidii ku war heleen Lix Maalmood ka dib  ku dhawaaqista Garabkii Gudoomiyaha Baarlamaanka C/raxmaan Cirro uu ku dhawaaqay Ururkii Wadani 5/10/2011.

Sidoo kale waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa in Masuuliyiintii ugu Miisaanka cuslaa ee Xisbiga Ucid iyo Xilldhibaanadii Golaha Wakiilada uga soo baxay Xisbigii Ucid iyo Xilldhibaano Golihii Deegaanka uga soo baxay Xisbiga Ucid ay ka mid noqdeen Ururkii Wadani .

Halka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo loo xukumay Xisbigii Ucid ay ku hadheen Xubno Faro ku tirisa oo ay ka mid ahaayeen Axmad Ibraahin Qabo oo hada ah Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Naasir Yuusuf cismaan oo hada ah ku simaha Xoghayeha Guud ,Maxamad Cali Madoobe iyo Xubno aan ka bixin balse Labada Garab midna raacin oo uu ka mid ahaa Xilldhibaan Qabile .

Waxaan Qormada Koowaad ku soo Afmeerayaa Taariikhdu ma duugaydo Madaxwayne kasta iyo Masuul kasta waxay Diiwaan Taariikheedka ugu qoran ayaa lagu xusi doonaa .

La Soco Qormooyinkeena Danbe    Oo Shabakada Wajaalenews.net Ku Soo Bandhigi Doonto Tacabkii Uu Galiyay Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Iyo Halka Uu Ka Soo Qaaday !!

 

LASOCO

Exit mobile version