WAJAALE NEWS

Dalka Maraykanka Oo Weerar Bartilmaameed Ah Ka Fuliyay Koonfurta Dalka Somaliya.

DronesMuqdisho(WJN):- Maraykanka ayaa sheegay in duqaymo uu ka fuliyay Soomaaliya lagu bartilmaameedsaday sargaal sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Af-hayeen u hadlay wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka ee Pentagon, ayaa sheegay in ay diyaarad bilaa duuliye ahi weerar ku qaaday meel u dhow magaalada Jilib ee ku koonfurta Soomaaliya.

Waxa weerarku bartilmaameedsaday Xasan Cali Dhoorre oo ah xubin sare oo ka tirsan Al-Shabab oo lagu tuhunsanaa inuu maleegay qarax ka dhacaygaroonka diyaaradaha Muqdisho iyo huteel magaalada ku yaalla oo dad Maraykan ah lagu dilay.

Khubarada Pentagon-ka ayaa weli dersaya sidii weerarkaasi u hir galay.

Weerarkani waxa Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya dhowr todobaad uun ka dib weerar hore oo ay si abaabulan u fuliyeen diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo kuwa Drones-ka loo yaqan.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version