|
|||||
WAJAALE NEWS
Dalka Maraykanka Oo Weerar Bartilmaameed Ah Ka Fuliyay Koonfurta Dalka Somaliya.
April 2, 2016 - Written by Wariye:
Af-hayeen u hadlay wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka ee Pentagon, ayaa sheegay in ay diyaarad bilaa duuliye ahi weerar ku qaaday meel u dhow magaalada Jilib ee ku koonfurta Soomaaliya. Waxa weerarku bartilmaameedsaday Xasan Cali Dhoorre oo ah xubin sare oo ka tirsan Al-Shabab oo lagu tuhunsanaa inuu maleegay qarax ka dhacaygaroonka diyaaradaha Muqdisho iyo huteel magaalada ku yaalla oo dad Maraykan ah lagu dilay. Khubarada Pentagon-ka ayaa weli dersaya sidii weerarkaasi u hir galay. Weerarkani waxa Maraykanku ka fuliyeen Soomaaliya dhowr todobaad uun ka dib weerar hore oo ay si abaabulan u fuliyeen diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo kuwa Drones-ka loo yaqan. Hargeisa Office Related posts:“Buuni Waxa Lagu Helay Dambi Argagixisnimo Ah, Madaxiisa Ayaa Lacag La Duldhigay, Wuxuu Magangalyo K... Daawo wasiirka diinta iyo awqafta somaliland sheekh Khaliil Axmed oo ka hadlay munaasibada ciidul fi... “Hadafka Iyo Himilada Siyaasiga Ah Ee Aniga I Gagaa Kuma Salaysna Kursi Doon Iyo Inaan Kala Xusho Xi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|