WAJAALE NEWS

Maamulka Dekeda Berbera Oo Banaanka Soo Dhigay Aqoon darada Iyo Aafada Musuq Maasuq Ee ku Habsatay Maamulka kastamka Wajaale,

Ciidamada Ilaalada Cashuuraha Dekedda Berbera Oo Qabtay Gaadhi Lagu Soo Raray Garaabo La Tumay Oo La Doonayay In Loo Dhoofiyo Dalka Yurub,

Hargeysa(Wajaalenews) Wararka magaalada berbera  aanu ka helayno ayaa sheegaya in Ciidanka ilaalada cashuurha Dekeda Berbera iyo shaqaalaha Dekeda Berbera oo iskaashanaya ay Gacanta ku dhigeen gaadhi 24 ton ah oo siday Garaabo La Soo tumay oo Xinaha dumarku marsadaan loo ekeysiiyay, isla markaana  la doonaayay in Dekeda Berbera laga Dhoofiyo, iyada oo  Lagu Guray  Koonteenar lagu Geynayo dalalka yurub ee dhawaan jaadkii loo iib gayn jiray laga joojiyay.

Jaadkan ama garaabadan lasoo tumay ee lagu soo raray gaadhigan ayaa Dalka kasoo gashay dhinaca dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Wararka ay shabakada wajaalenews,net heshay ayaa tibaaxay in gaadhi siday jaadka tuman lagu soo cashuuray 18/03/2016 KASTAMKA MAGAALADA TOG WAJAALE halkaasi oo ay si caadi usoo martay jaadkan lasoo mooriyay /sidoo KALE  xogahan ayaa tibaaxay in ayna wateen  ganacsato  aan la garanayn  amaba  aan lahayn  liisanka wax dalka lagu soo galiyo, maamulka kastamka wajaale ayaa la sheegay in ay gaadhi cashuureen kala badh wixii saarnaa,  halka maamulka kastamka ABAARSO AY IYAGUNA KU GUULAYSTEEN IN GAADHI LAWADA CASHUURO.

Hadaba qabashada gaadhi siday qaadka tuman ayaa bedka soo dhigtay aqoondarada maamulka kastamka wajaale iyo musuqmaasuqa ku habsaday guud  ahaan maamulada kastamyada galbeedka mudadii ay joogtay wasiir Sam Sam,

badeecadan garaabada ah ee sida kontarabaanka ah  la doonaayay in Dekeda Berbera looga dhoofiyo Ciidanka ilaalinta cashuuraha ee turubo taariyada Dekeda Berbera,iyaga oo ka shakiyay xinahan dalka debediisa loo dhoofinayo taasi oo  layaab ku noqotay in xine dalka debediisa loo dhoofinayo kadib markii ay karaatoontii lagu soo moor gareeyay ay fureen ayna ugu tageen garaabo ama jaad la tumay oo baco lagu xidhay kadibna karaatoonta lagu xabkeeyay.

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version